Mas’uuliyadda ah ilaalinta Itoobiya wax kasta ha ahaadeene waanu gudan doonaa – Janaraal Dhamelaash Gabramikaa'eel

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Komishineerka Booliiska Federaalka Itoobiya, Janaraal Dhamelaash Gabramikaa'eel, ayaa sheegay in ay si xirfadeysan uga soo bixi doonaan masuuliyadda taariikheed ee ah ilaalinta Itoobiya ee laga difaacayo cid kasta oo nabadda kasoo horjeedda.

Waxaa Jaamacadda Booliiska Itoobiya kasoo qalin-jabiyay arday Booliis ah oo ku jiray wajigii 25aad ee tababarka, kuwaas oo ka kala yimid qaybo badan oo dalka ah.

Janaraal Dhamelaash, oo ka hadlayay munaasabadda qalin-jabinta, ayaa xusay in Booliiska Federaalka uu sannadadii dambe si xooggan u kobcay, isla markaana uu isu beddelay hay’ad booliis qaran oo dhab ah, oo loo dhisay si qowmiyad kasta iyo degaan kasta oo dalka ah uga mid noqdaan.


 

Waxa uu sheegay in Booliiska Federaalka uu yahay cudud amni oo weyn oo ilaaliya dalka Itoobiya, sugana nabadgelyada shacabka. Wuxuu sidoo kale sheegay in qalin-jabiyeyaashu ay tababar adag kasoo gudbeen, oo ay ku jireen xaalado cimilo adag iyo deegaan dhib badan.

Janaraalku wuxuu adkeeyay in askartani ay heleen tababar tayo leh oo ay ku gudan karaan waajibaadkooda boolisnimo, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay si wadajir ah ula dagaallamaan cid kasta oo Itoobiya wax u dhimaysa, iyagoo kaashanaya ciidamada kale ee amniga.

Komishineerka ayaa sidoo kale xusay in Booliiska Itoobiya uu leeyahay khad cas (xeerar iyo mabaadi’ cad), uuna dalka ka difaacayo cadow kasta, iyadoo aan loo eegin qowmiyad, diin ama siyaasad.

Qalin-jabiyeyaasha cusub ayuu xasuusiyay in ay masuul ka yihiin difaaca dalkooda, dadkooda iyo dastuurka u degsan qaranka.


 

Dhanka kale, Madaxweynaha Jaamacadda Booliiska Itoobiya, Janaraal Mesfin Abebe, ayaa sheegay in jaamacaddu ay si joogto ah u siiso tababarro xirfadeed iyo anshax boolis, si ay u soo saarto xubno boolis ah oo aqoon iyo dabeecad suuban leh.

Ugu dambayntii, askartan ayaa qaatay tababaro la xidhiidha anshaxa booliska, ka hortagga dambiyada, baarista dambiyada, la-dagaallanka argagixisada, booliiska taraafikada, dastuurka iyo mowduucyo kale oo aqooneed iyo tababarka jireed ee khasabka ku ah booliska.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015