Waxaan dhisaynaa ciidamo booliis ah oo ah tiir adag oo nabadeed una adeega horumarka Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Tamasgan Tirunah - ENA Af-Soomaali
Waxaan dhisaynaa ciidamo booliis ah oo ah tiir adag oo nabadeed una adeega horumarka Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Tamasgan Tirunah

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Kuxugeen, Tamasgan Tirunah, ayaa sheegay in ay dhisayaan ciidamo booliis ah oo xooggan, nabad-doon ah, isla markaana ah tiir lagu cabbiro horumarka Itoobiya.
Waxaa la soo xiray tababarka aasaasiga ah ee booliiska ee heerka 25aad, oo ay ka qayb qaateen boqollaal askari oo booliis ah, sida ay sheegtay Booliiska Federaalka Itoobiya.
Munaasabadda xidhitaanka oo uu ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Tamasgan Tirunah ayaa lagu xusay in Itoobiya ay u dabaal-degayso 116 sano oo ay booliiska u adeegayeen si casri ah oo nidaamsan.
Wuxuu tilmaamay in booliisku yihiin tiir nabadeed, isla markaana ay yihiin awood hormarineed.
Wuxuu sidoo kale xusay in booliisku door muhiim ah ku leeyihiin in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ay si sharci ah oo nabad ah u dhacaan.
Tamasgan wuxuu sheegay in ilaalinta nabadda iyo sharciga ay muhiim u tahay in la gaaro himilada Itoobiya ee ah inay noqoto waddan horumarsan oo awood mideysan leh.
Wuxuu xusay in booliisku ay dadaal adag ugu jiraan la dagaallanka kooxaha nabadda ka soo horjeeda, ganacsiga sharci darrada ah, wax-is-daba-marinta dhaqaale, dambiyada abaabulan, iyo musuqmaasuqa.
Ra’iisul Wasaare Kuxugeen, Tamasgan Tirunah ayaa sheegay in booliiska Itoobiya ay si joogto ah u horumarinayaan xirfadooda, aqoontooda, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda si ay ula jaanqaadaan baahiyaha amniga ee dalka.
Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda ay dadaal ku bixinayso dib-u-habaynta amniga, casriyeynta tababarada booliiska, tayeynta goobaha ay booliisku ka shaqeeyaan iyo in la gaarsiiyo qalab tiknoolajiyadeed oo casri ah.
Tamasgan wuxuu kula dardaarmay booliiska cusub inay si xirfad leh uga hortagaan khataraha amniga, dambiyada abaabulan, kooxaha hubeysan iyo kuwa kale ee carqaladayn kara horumarka dalka.
Ugu dambayn, wuxuu xasuusiyay booliiska inay ogaadaan ahmiyadda shaqadooda, ilaaliyaan sharciga, kororsadaan aqoon iyo xirfado cusub oo booliisnimo si ay ugu adeegi karaan dalkooda si hufan.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Booliis