Waxaa Jigjiga ka qabsoomay kulan looga hadlayay siyaasadda cunnada iyo nafaqada deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa hoggaamiyay Kulan looga hadlayo siyaasadda cuntada iyo nafaqada, kulanka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada DDS, ayaa waxaa ka soo qayb’galay, Golaha Nidaamka Cuntada iyo Nafaqada heer Deegaan.


 

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay wax’qabadka Golaha Arrimaha Nafaqada iyo Cuntada iyo qorshayaasha wada jirka ah ee cidhib tirka nafaqo darrada, iyada oo guddiyo ka shaqeeya ay ka jiraan ilaa heer degmo.


 

Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa kulanka ka soo jeediyey dardaaran la xiridhiidha ka hortagga nafaqo-darrada iyo haggaasnimada, waxaana la isla qaatay jihooyinka lagu xoojinaayo shaqooyinka ka hortagga hagaasnimada iyo nagaqo darrada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015