Wershaduhu Waa Inay Addeegsadaan Teknolojiyadda Casriga ah Si Ay Uga Tartamaan Suuqyada - ENA Af-Soomaali
Wershaduhu Waa Inay Addeegsadaan Teknolojiyadda Casriga ah Si Ay Uga Tartamaan Suuqyada

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 28, 2017 (ENA) – Wasaaradda Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda ayaa sheegtay in wershaduhu ay tahay in ay adeegsadaaan teknolojiyado casri ah si ay u soo saaraan badeeco tayo leh oo ay ugu tartamaan suuqyada.
Waxaa la Ogsoonyahay in Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed si rasmi ah u furay Carwada 3-aad ee Ethiopia Tamrit oo ka qabsoomay Xarunta Caalamiga ah ee Shirarka Addis Africa.
Qayb ka mid ah bandhiga, waxaa lagu qabtay doodo cilmiyeed lagula yeeshay daneeyayaal kala duwan, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray warshadaha yaryar iyo kuwa dhexe.
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda, Dr. Bayisa Badhadha Molla, ayaa sharaxay in si wax soo saar iyo adeegyo tayo leh loogu tartamo, wershaduhu ay khasab ku tahay in ay adeegsadaan teknoolojiyadda casriga ah.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in hirgelinta istaraatijiyadda Digital Ethiopia iyo barnaamijka Shanta Milyan ee Ethio Coders la bilaabay kaddib dib-u-habaynta, ay ujeedadoodu tahay kor u qaadidda xirfadaha tiknoolajiyadda ee muwaadiniinta iyo in ay abuuraan jawi wanaagsan oo ay ku kobcaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale, dadaal ayaa la sameeyay si loo hirgaliyo adeegga 4G iyo 5G iyo in la xasiliyo joogteeyo korontada, taasina ay muhiim u ah hirgelinta Digital Ethiopia, ayuu intaa ku daray.
Sidoo kale waxa uu sheegay in, horumarka lagu sameeyay adeegyadan elektaroonigga ah ee daahfuran oo lagu kalsoonaan karo ay muujinayaan isbeddelada ku socda waaxda.
Dhaqdhaqaaqa Ethiopia Tamrit oo lagu beddelayo alaabada laga keeno dibadda ee kor loogu qaadayo kuwa gudaha lagu sameeyo ayaa door weyn ka qaadanaya dhimista kharashka lacagaha qalaad.
Sidoo kale, cilmi-baaris iyo horumarin ayaa laga wadaa xarumaha hal-abuurka iyo iskaashiga jaamacadaha iyo wershadaha si loo ballaariyo wax-soo-saarka hal-abuurka laguna beddelo fikradaha kuwa wax ku ool ah.
Intaa waxaa dheer, warshadaha waaweyn ayaa taageero siinaya wershadaha yaryar iyo kuwa dhexe iyaga oo la wadaagaya hal-abuurradooda iyo khibradahooda teknoolojiyadeed iyada oo loo marayo cilmi-baaris wadajir ah.
#Wakaaladda_Warka_Itoobiya #Itoobiya