Xorrnimadda casriga ah waxay ka dhigan tahay in la sugo madax-bannaanida buuxda ee dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya – Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Xorrnimadda casriga ah waxay ka dhigan tahay in la sugo madax-bannaanida buuxda ee dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya – Ra'iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgen Tiruneh

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 27/2017 (ENA): Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya, Tamasgen Tiruneh, ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka heer qaran ee xirfadaha ee afaraad oo halkudhigeedu yahay "Maskax iftiimaysa, muwaadiniin xirfadeysan".
Intii uu jeedinayay khudbaddiisa furitaanka, waxa uu xusay in tartanka uu dhacayo maalinta guusha ee 84-aad ee halgankii gobannimo-doonka Itoobiya, taasoo xoojinaysa muhimadda maalintan taariikhiga ah iyo muujinta aqoonsigeenna iyo geesinimadeenna.
Wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay tahay waddan ay difaaceen halyeeyo gobannimada dalkooda u dhintay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in jiilka maanta ka jira Itoobiya uu leeyahay masuuliyad dheeraad ah oo ah in uu difaaco madax-bannaanida dalka isla markaana uu guuleysto isaga oo ka adkaanaya saboolnimada iyo dib u dhaca si dalka Itoobiya uu tusaale ugu noqdo Afrika horumarsan.
Wuxuu sheegay in halganka xornimada casriga ah lagu gaari karo suurtagalinta horumarka iyadoo lagu tiirsan yahay xirfado, aqoon iyo hal-abuur.
Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay in horumarka dalalka uusan ku xirnayn hantida oo kaliya, balse uu ku xiran yahay sida hantidaas si xirfad leh loogu adeegsado.
Tamasgan wuxuu sidoo kale xusay in dowladdu ay xoogga saarayso horumarinta hal-abuurka iyo xirfadaha si looga dhigo xalka dhabta ah ee horumarka Itoobiya, iyadoo la dhisayo hay’ado awood u leh in ay keligood ka shaqeeyaan horumarka.
Waxa uu xusay in si dhakhso ah guulo wax ku ool ah loo gaaray, isagoo tusaale u soo qaatay in dadka xirfadaha iyo hal-abuurka leh ay hadda wax ka bedelayaan warshadaha sida: Teknolojiyadda casriga ah ee lagu dardargelinayo dhijitaalka, Kaabeyaasha dalxiiska, Beeraha casriga ah, Iyo dhisidda xirfadlayaal awood u leh inay hogaamiyaan koboca dhaqaalaha dalka.
Ugu dambayntii, waxa kale oo uu tilmaamay in tartannada sanad walba la qabanayo ee ay soo abaabusho Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha ay yihiin fursado lagu muujiyo maskaxda iftiimaysa, gacmaha hal-abuurka leh iyo muwaadiniinta xirfadlayaasha ah.