Waa In La Iska Kaashado Sidii Hal-abuurada iyo Teknolojiyadaha Si Degdeg ah Loogu Bedeli lahaa Wax-soo-saarka iyo Adeegyo– Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha - ENA Af-Soomaali
Waa In La Iska Kaashado Sidii Hal-abuurada iyo Teknolojiyadaha Si Degdeg ah Loogu Bedeli lahaa Wax-soo-saarka iyo Adeegyo– Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha

Adama, Duugato/Miyaasiya 23, 2017 (ENA) – Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Xirfadaha, Solomon Soka, ayaa adkeeyay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah si loo hubiyo in hal-abuurnimada iyo teknoolojiyadaha cusub si dhakhso ah loogu beddelo wax-soo-saar iyo adeegyo wax-ku-ool ah.
Munaasabad afar maalmood socotay oo ka koobnayd tartan iyo bandhig ku saabsan xirfadaha, teknoolojiyadda, iyo hal-abuurnimada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.
Wasiiru-dawlaha Wasaarada Shaqada iyo Xirfadaha Solomon Soka oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in munaasabado noocan oo kale ah oo dhiirrigeliya xirfadaha, teknoolojiyadda, iyo hal-abuurnimada ay door weyn ka ciyaarayaan dadaallada dalka ee lagu cirib-tirayo saboolnimada.
Wuxuu xusay muhiimada ay leedahay in hal-abuurnimada dhalinyarada kartida leh loo beddelo wax soosaar iyo adeegyo la taaban karo.
Wasiiru-dawluhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dhammaan daneeyayaasha, oo ay ku jiraan kulliyadaha farsamada iyo xirfadaha, ay iska kaashadaan sidii wax-soo-saarka teknoolojiyadeed iyo hal-abuurnimada looga dhigi lahaa mid suuq-gal ah oo la adeegsankaro.
Tartanka heer deegaan wuxuu muujiyay dhalinyaro aqoon iyo xirfad sare leh oo soo bandhigay natiijooyin wax-soo-saar leh.
Injineer Eba Gerba, madaxa xafiiska shaqo abuurka iyo xirfadaha ee deegaanka Oromiya, ayaa xusay in deegaanku uu xoogga saarayo dhisidda awood cudud xirfadeysan oo la tartami kara kuwa caalamka, gaar ahaan dhinacyada xirfadaha, teknoolojiyadda, iyo hal-abuurnimada.
Wuxuu intaas ku daray in kulliyadaha laga sugayo inay door muhiim ah ka ciyaaraan la-qabsiga, wax-ka-bedelka, iyo horumarinta teknoolojiyadda si kor loogu qaado horumarka.
Tartanka iyo bandhiggan, oo toddobaadkan lagu qabtay magaalada Adama, waxaa ka qaybgalay 22 kooxood, iyadoo ujeedadu ahayd in la helo jiil leh xirfad, hal-abuurnimo, iyo karti teknoolojiyadeed.
Hal-abuurada iyo wax-soo-saarka teknoolojiyadeed ee la soo bandhigay waxa ka mid ahaa: dib-u-warshadaynta iyo nadiifinta balaastigga, agabka dhanka beeraha, qalabka gaadiidka, iyo beddelka alaabaha laga keeno dibadda oo lagu sameeyay gudaha dalka.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in dowlad-deegaanka uu ka shaqaynayo sidii wax-soo-saarka hal-abuurka iyo teknoolojiyadda loo horumarin lahaa loona gaarsiin lahaa heer suuq.
Si taa loo gaaro, xarumaha kobcinta teknoolojiyadda ee ku yaalla Bishooftu, Naqamte, Adama, iyo Shashamane ayaa ku hawlan ballaarinta hal-abuurnimada la soo xulay iyo diyaarintooda suuq-geynta.
Kooxaha tartanka Ku guulaystay waxaa la guddoonsiiyay billado, koobab, Tabledyo iyo shahaado sharaf.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya