Xildhibaano heer Federal ah ayaa booqday xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 23/2017 (ENA): Masuuliyiin sare oo ka socda guddiga xuquuqul Iinsaanka Itoobiya, Komishinka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo gudiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada Deegaanka iyo kuwa JDFI ayaa soo booqday xarunta dhaqantoosinta Deegaanka.


 

Masuuliyiintan sare oo ay wehelinayeen Komishineerka Komishinka Asluubta DDS, guddiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada Deegaanka iyo hogaaminta Xafiiska Cadaalada DDS ayaa booqashadan ay ku tageen xarunta dhaqantoosinta Deegaanka waxay ugu kuurgalayeen xaalada guud ee maxaabiista gaar ahaan illaalinta xuquuqdooda, daryeelka iyo illaalinta mudada xabsiga.


 

Kormeer kadibna gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada federaalka iyo masuuliyiintii ka socotay guddiga xuquuqul-iinsaanka Itoobiya iyo komishinka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan illaalinta xuquuqda aadamaha ayaa kulamo guud iyo kuwo gaar ahba la qaatay qaybaha kala duwan ee maxaabiista, halka gudiga joogtada ah ee arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha JDFI ay kormeerayeen habnololeedka maxaabiista haweenka daryeelkooda iyo adeega caafimaadka ee ay helaan.


 

Sidoo kale, waxa ay booqdeen islamarkaasin kormeereen goobaha maxaabiista guud wax ku bartaan iyo guryaha ay galaan, waxaanay bogaadiyeen masuuliyiintu guud ahaan qaabka loo daryeelo, ilaalinta xuquuqdooda iyo xirfadaha la baro iyaga oo sidoo kale ay masuuliyiintu cadeeyeen in Deegaanka Soomaalidu yahay deegaanka ugu fiican marka la eego dhanka illaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiistaba guud ahaan dalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015