Madaxweyne Taaye Asqesilaase iyo Diblomaasiyiinta dalal ka duwan ayaa booqday xarunta hal-adeeg (Mesoob) - ENA Af-Soomaali
Madaxweyne Taaye Asqesilaase iyo Diblomaasiyiinta dalal ka duwan ayaa booqday xarunta hal-adeeg (Mesoob)

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 22/2017 (ENA): Madaxweyne Taaye iyo xubno diblumaasiyiinta ee fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayaa booqday adeegga hal-xarunta (Mesoob).
Booqashadan ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa wasiiru dowlayaasha arrimaha dibadda Danjire Birhaanu Tsegaaye iyo Danjire Hadera Abera.
Danjire Siraj Rashid, Agaasimaha Guud ee Qunsuliyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sharaxaad ka bixiyay adeegyada iyo habraaca ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda siiso muwaadiniinta, wuxuuna sheegay in fiiro gaar ah loo yeelan doono sidii loo heli lahaa adeegyo casri ah oo dhamaystiran oo hufan iyadoo mustaqbalka la horumarin doono adeeg bixinta.
Waxaa la og yahay in 12 hay’adood ay bilaabeen bixinta 40 adeeg oo kala duwan iyagoo hal saqaf hoostooda ka bilaabay adeegga isku dhafka ee elegtarooniga ah ee adeegyada dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xogta ku tilmaantay in tani ay u saamaxeyso muwaadiniinta in ay adeegyo hufan ku helaan waqti lumis la'aan.