Maraykanku wuxuu taageeraya ku biiritaanka Itoobiya ee Ururka Ganacsiga Adduunka - Niil Beek

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 22/2017 (ENA): Maraykanku wuxuu taageersan yahay ku biiritaanka Itoobiya ee Ururka Ganacsiga Adduunka, ayuu yidhi Niil Beek, Kaaliyaha Wakiilka Ururka Ganacsiga Adduunka iyo Arrimaha Dhinacyada badan ee Waaxda Ganacsiga ee Maraykanka.

Kaaliyuhu waxa kale oo uu sheegay in danta Maraykanka ay tahay in la arko Itoobiya oo si guul ah uga mid noqonaysa nidaamka ganacsiga caalamiga ah. 

Kulamada gu'ga ee sanadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ka socda magaalada Washingtan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Eyob Tekaliny (Dr.) ayaa Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka kula kulmay Kaaliyaha Ergeyga u qaabilsan Arrimaha dhinacyada badan leh iyo Ururka Ganacsiga Adduunka, Niill Beek.


 

Intii ay socotay dooda ayaa wasiiru dawlaha waxa uu ka warbixiyay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto ka mid noqoshada ururka ganacsiga aduunka, waxa kale uu muujiyay sida ay uga go'an tahay Itoobiya inay buuxiso shuruudaha xubinnimada Ururka Ganacsiga Adduunka ilaa Cuur/Megaabiit 2018 t.i. 

Niil Beek ayaa ammaanay dadaalka weyn ee Itoobiya ay ugu jirto inay xubin ka noqoto Ururka Ganacsiga Adduunka; Wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageeri doono ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka. 

Waxa uu sheegay in danta Maraykanka ay tahay in la arko Itoobiya oo si guul ah uga mid noqonaysa nidaamka ganacsiga caalamiga ah. 

Xogta ay ENA ay ka heshay Wasaaeadda Maaliyadda ayaa tilmaamaysaa in labada dhinac ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan iskaashiga iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Itoobiya oo u dhaqaaqday inay xubin ka noqoto Ururka Ganacsiga Adduunka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015