Waxaa lagu dadaalayaa sidii loo xaqiijin lahaa tayada waxbarashada iyadoo la dhisayo tayada macalimiinta – Wasiir Birhaanu Nega (Brof.) - ENA Af-Soomaali
Waxaa lagu dadaalayaa sidii loo xaqiijin lahaa tayada waxbarashada iyadoo la dhisayo tayada macalimiinta – Wasiir Birhaanu Nega (Brof.)

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 22/2017 (ENA): Itoobiya ayaa qaadaysa tillaabooyin lagu xaqiijinayo tayada waxbarashada iyadoo kor loo qaadayo heerarka dugsiyada iyo kor u qaadista tayada macalimiinta, ayuu yiri wasiirka waxbarashada Birhanu Nega (Brof.).
Shirka hal-abuurka Afrika ee sannadka 2025-ka oo socday muddo saddex maalmood ah, hal-ku-dhiggiisuna ahaa “Wax-barashada iyo Awood-siinta Afrika ee qarniga 21-aad,” ayaa maanta la soo gebagebeeyey.
Shirkan heer qaaradeed ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha oo kaashanaysa hay'adda 'Brain Africa', ayaa gebo-gebadii lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan sidii Afrikaanku isaga kaashan lahaayeen dhinacyada waxbarashada, hal-abuurka iyo tignoolajiyada, hal-abuurka ganacsiga iyo dib-u-habaynta bilowga, kobcinta awoodda iyo iskaashiga istiraatijiyadeed.
Sida uu Wasiirka Waxbarashada Birhanu Nega (Prof) ka sheegay xidhitaankii shirka; ayaa tilmaamay in shirkan uu ahaa goob doodo dhaxal gal ah oo ku saabsan kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta macalimiinta si kor loogu qaado tayada waxbarashada.
Waxa kale uu sheegay in fikradaha shirka laga soo saaray loo baahan yahay in lagu dhiso tayada macallimiinta, isla markaana kor loogu qaado tayada dugsiyada, iyana in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe dhow iyo mid fog oo ku saabsan kobcinta tayada iyo tignoolajiyada dhijitaalka ah si loo dhiso nidaam waxbarasho oo waara oo tayaysan carruurta Afrika.
Waxa uu sheegay in haddii Afrika ay ku guul darreysato in ay aqoonsato xaqiiqada isbeddelka adduunka oo ay la qabsato duruufaha jira ay la kulmi doonto waxyaabo ka sii daran.
Sidaa darteedna in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo waqtigii loogu talagalay, lana xaqiijiyo Afrika ku habboon jiilka soo socda.
Waxa kale uu wasiirku sheegay in Itoobiya ay bilowday shaqo la taaban karo oo ku saabsan kaabayaasha waxbarashada iyo tayeynta macalimiinta si kor loogu qaado tayada waxbarashada.
Wasiir Birhaanu aya ugu danbayntii tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga Afrikaanku la leeyihiin hay’adaha ay bahwadaagta yihiin, haddana loo baahan yahay in laga eego dhinaca danaha qaranka iyo qaaradda.