Hindisaha Wax-soo-saarka Itoobiya ayaa faa’iidooyin badan u keenay ismaamulka magaalada Diridhaba – Maayar Khadiir Jawhar

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 22/2017 (ENA): Maayarka ismaamulka magaalada Diridhaba Khadiir Jawhar ayaa sheegay in hindisaha wax-soo-saarka Itoobiya uu faa’iidooyin badan u horseeday ismaamulka magaalada Diridhaba.

Qorshaha horumarinta guud ee tobanka sano ee heer qaran ayaa la diyaariyay si Itoobiya looga dhigo astaanta barwaaqada Afrika. Qaybaha la siiyay fiiro gaar ah si loo gaaro qorshaha, qaybta warshadaha wax soo saarka ayaa ah tan ugu muhiimsan.

Sannadihii la soo dhaafay, xeelado iyo siyaasado kala duwan ayaa la dejiyay lana hirgeliyay si guul leh loogu dhammeeyo socdaalkan horumarineed, waxayna tani muujinaysaa in ka qayb qaadashada waaxda wax soo saarka ee kobaca dhaqaalaha qaranka ay si weyn u kordheyso.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Dr.) ayaa sanadkii 2014-kii t.i bilaabay Hindisaha Horumarinta Itoobiya si wax looga qabto caqabadaha ka jira dalka.

Taasi waxay horseedday dhaqdhaqaaqyo wax-soo-saar dalka oo dhan ah iyo wacyiga baahsan ee wax-soo-saarka warshadaha ee heer qaran. wuxujna hindisahani bog cusub u furay bedelka badeecadaha dibadda laga keeno, soo saarista tayada iyo tirada badeecadaha la dhoofin karo, wax soo saarka beeraha iyo macdantana wax badan ku soo kordhinaya.

Maayarka ismaamulka magaalada Diridhaba Khadiir Jawhar oo kulan la qaatay ENA ayaa sheegay in hindisahani uu faa’iidooyin badan u soo kordhiyay magaalada Diridhaba.

Waxa uuna sheegay in warshado badan ay ku hawlan yihiin wax soo saarka gaar ahaan wax soo saarka badeecadaha dibadda laga keeno, iyana in warshadihii shaqada joojiyey ay dib ugu soo laabteen wax soo saarkooda.

Waxa uu sheegay in dhanka shaqo abuurka ay fursado badan ka abuurayaan warshadaha ka socda Itoobiya.

Maayar Khadiir ayaa kale oo sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii jawi wanaagsan loogu abuuri lahaa Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, iyana in lagu dadaalay sidii loo horumarin lahaa warshado heerar kala duwan leh, isla markaana si madax banaan loo fulinayo.

Gabagabdii, maayar khadiir jawhar ayaa tilmaamay in tirada warshadaha ku hawlan wax soo saarka iyo dhoofinta ee ahaan jiray shan (5) warshadood kaliya, ay hadda gaadheen ilaa labiyo toban (12) warshadood.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015