Dadaallada Lagu Horumarinayo Wax-soo-saarka Timirta ayaa la Xoojinayaa— Wasaaradda Beeraha - ENA Af-Soomaali
Dadaallada Lagu Horumarinayo Wax-soo-saarka Timirta ayaa la Xoojinayaa— Wasaaradda Beeraha

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Wasaaradda Beeraha ee Itoobiya ayaa sheegtay in ay xooga saarayaan xoojinta dadaalladii horey loo bilaabay si kor loogu qaado wax-soo-saarka timirta ee dalka.
Waxaa deegaanka Canfarta, gaar ahaan degmooyinka Casayta iyo Afambo, laga hirgelinayaa mashruuc horumarineed oo lagu xoojinayo timirta. Kormeer dhanka beeraha ah oo ay sameeyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo tan deegaanka, iyo sidoo kale wakiillo ka socday xarunta horumarinta iyo cilmi-baarista timirta ee caalamiga ah ee "Liwa International", ayaa halkaasi ka dhacay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ay si wadajir ah ula shaqeyneyso xarunta Liwa ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta si loo ballaariyo wax-soo-saarka timirta iyo cilmi-baarisyo la xiriira arrintaas, iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyad casri ah iyo khibrad dibadda ah.
Wasiiru Dowlaha Beeraha, Dr. Ifa Muleta, ayaa sheegay in dadaallada laga wado deegaanka Canfarta ay haatan marayaan heer lagu kalsoonaan karo oo la isku halayn karo.
Dhanka kale, Dr. Dhiriba Gelete oo ah ku xigeenka agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Beeraha ee Itoobiya, ayaa xusay in dalka laga helay labo nooc oo timir ah, halka 14 nooc oo dheeraad ahna lagu wado in laga helo iyadoo la kaashanayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Waxaa sidoo kale la sheegay in baahida timirta gudaha dalka sii kordheysa, gaar ahaan bilaha soonka, ay fursad weyn u tahay beddelidda timirta laga keeno dibadda, iyadoo dalka gudihiisa lagu beerayo.
Degmooyinka Casayta iyo Afambo ee deegaanka Canfarta ayaa loo arkay kuwa ugu habboon ee laga hirgelin karo beerista timirta, waxaana sidoo kale laga yaabaa in deegaannada Soomaalida iyo Gambella ay ka faa’iideystaan mashruucan.
Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee deegaanka Canfarta Cismaan Maxamed, ayaa sheegay in degmooyinkaas laga helay geedo timir ah oo la sheegay inay jireen muddo 300 oo sano ah, taasoo tilmaamaysa in deegaankaas si dabiici ah ugu habboon yahay beerista timirta.
Madaxweynaha Jaamacadda Samara, Dr. Maxamed Cismaan, ayaa isna xusay in kor u qaadista wax-soo-saarka timirta ay ka mid tahay dadaallada dalka uu ugu jiro inuu gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Ugu dambayntii, laga bilaabo sanadkii hore, waxaa laga hirgeliyay mashruucyo timir lagu beero dhul dhan 2,500 hektar, waxaana qorshuhu yahay in 10 sano gudahood la beero ilaa 1 milyan oo geed timir ah.