Ololaha dhaqdhaqaaqa warshadaha Itoobiya ayaa door weyn ka qaatay in Warshado Horre uga Baxay Shaqada ay dib u shaqo bilaabaan– Dr. Indhaashaw Taasaw

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Ololaha dhaqdhaqaaqa warshadaha Itoobiya ayaa sababay in warshado hore uga baxay shaqada ama aan shaqaynayn oo ku yaalla deegaanka Badhtamaha Itoobiya dib loogu soo celiyo hawshooda, sida uu sheegay Madaxweynaha deegaankaasi Dr. Indhaashaw Taasaw.

Madaxweynaha ayaa sheegay in in ka badan 2,000 hektar oo dhul ah oo ku kala yaalla 7 magaalo oo deegaanka ka tirsan loo asteeyay in loo isticmaalo dhisidda iyo horumarinta warshadaha.

Waxaa la xasuustaa in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu si rasmi ah u bilaabay Ololaha dhaqdhaqaaqa warshadaha Itoobiya sanadkii 2014 T.I.

Ololahani wuxuu kaalin weyn ka ciyaaray horumarinta badeecooyinka gudaha Itoobiya lagu sameeyo iyo dhimista waxyaabaha laga keeno dibedda.

Madaxweynaha oo u waramay Wakaaladda Wararka Itoobiya ayaa xusay in markii ololuhu billowday, deegaanka uu lahaa in ka badan 569 warshadood oo kala heer ah, kuwaasoo qaarkood si buuxda u shaqaynayay, qaarna si hoose, halka kuwo kalena aanayba bilaabin wax soo saar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in warshadihii aan shaqaynayn ama si liidata u shaqaynayay laga shaqeeyay sidii dib loogu soo celin lahaa shaqada, taasoo guul laga gaaray.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku dhuftay in ololahaasi uu wax ka beddelay wax-soo-saarka dalka, uu xoojiyay beddelidda badeecooyinka dibadda laga keeno, isla markaana uu abuuro fursado shaqo oo ballaaran.

Sidoo kale, Dr. Indhaashaw wuxuu sheegay in hay’adaha horumarinta, adeeg bixinta, maaliyadda iyo kuwa kale ee ay khusayso ay si wadajir ah uga qaybqaateen dhismaha iyo hawlgelinta warshadahaasi.

Ololahani wuxuu sare u qaaday awoodda wax-soo-saarka deegaanka, wuxuuna kor u qaaday heerka warshadeynta si loo gaaro horumar ballaaran.

Waxaa la sheegay in sidoo kale ay socdaan qorsheyaal dheeraad ah oo lagu aqoonsanayo meelaha ku habboon warshadeynta si qorshaysan oo ballaaran, si looga faa’iideysto fursadaha deegaanka.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in in ka badan 2,000 hektar oo dhul ah oo ku yaalla 7 magaalo loo diyaariyay warshado, isla markaana uu socdo dhismaha kaabeyaasha horumarineed iyo qorsheyaasha kale ee hawlgalka.

#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015