Itoobiya waxay dhiseysaa nidaam hal-abuur iyo horumarin ah oo dhalinyarada ka dhiga kara kuwa hal-abuur leh oo heer caalami ah – Muferixaat Kaamil - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay dhiseysaa nidaam hal-abuur iyo horumarin ah oo dhalinyarada ka dhiga kara kuwa hal-abuur leh oo heer caalami ah – Muferixaat Kaamil

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Wasiirrada Shaqada iyo Xirfadaha Itoobiya Muferixaat Kaamil ayaa sheegtay in Itoobiya ay dhiseyso hab-raac iyo nidaam horumarineed oo u suurtagelinaya dhalinyarada inay noqdaan hal-abuurayaal iyo tartamayaal caalami ah.
Hadalkan ayay ka jeedisay shir lagu magacaabo "Innovation Africa 2025" oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo lagu lafagurayo sidii Qaaradda Afrika loogu dhisi lahaa nidaam waxbarasho, hal-abuur, iyo xirfad kororsi casri ah oo la jaanqaadi kara qarniga 21aad.
Shirkan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Waxbarashada, Tiknoolajiyada, iyo Shaqada ee dalalka Afrikaanka ah iyagoo garab ka helaya hay’adda Afrikaanka ah ee “Africa Brains”, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, hal-abuurka, tiknoolajiyada, iyo xirfadaha shaqo abuurka.
Muferixaat Kaamil oo ka hadashay madal dood-wadaag ah oo cinwaankeedu ahaa “Kor u qaadista hal-abuurka iyo xirfadaha cusub ee Afrika”, ayaa sheegtay in lagama maarmaan tahay in si dhab ah loogu maalgaliyo xirfadaha dhalinyarada iyo fursadaha cusub ee hal-abuurka.
Waxay xustay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay abuurista iskaashi ka dhex dhaca warshadaha, bulshada rayidka ah, iyo xarumaha waxbarashada si loo helo siyaasad mideysan oo kor u qaadda xirfadaha dhalinyarada.
Waxay intaas ku dartay in waqtigu yahay mid ku habboon in dhalinyarada Afrika looga faa’iideeyo sidii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen hal-abuurka, horumarka xirfadaha, iyo shaqo abuurka.
Wasiir Muferixaat Kaamil waxay sidoo kale sheegtay in shaqo abuurka dhalinyarada uusan noqon karin oo kaliya hadal ee uu u baahan yahay ficil dhab ah, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay kobcinta xirfadaha cusub iyo kartida hal-abuurka.
Waxay ku boorisay in dalalka Afrika ay xoogga saaraan horumarinta xirfadaha ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee la xiriira wax-soosaarka sida: beeraha, macdanta, dalxiiska, iyo tiknoolajiyada.
Muferixaat waxay hoosta ka xarriiqday in la iska kaashado dhismaha Afrika barwaaqo ah, isla markaana la xoojiyo ka-qaybgalka iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha ee dhalinyarada.
Waxay sheegtay in Itoobiya ay hadda waddo isbeddel dhaqaale oo qaran ah iyo dib-u-habeyn dhaqaale oo qoto dheer si loo xaqiijiyo barwaaqada iyo horumarka, iyadoo dhalinyarada la siinayo tababaro xirfadeed si ay u noqdaan kuwa shaqo abuura.
Ugu dambeyntii, waxay sheegtay in Itoobiya ay dhiseyso nidaam wax-ku-ool ah oo lagu kobcinayo dhalinyarada hal-abuurka leh si ay u noqdaan kuwa caalami ahaan tartami kara oo wax-ku-ool ah.