Waxaa maalintii labaad socda qiimaynta warbixinta waxqabadka 9-ka Bilood ee Sanad Miisaniyeedkan 2017 T.I. - ENA Af-Soomaali
Waxaa maalintii labaad socda qiimaynta warbixinta waxqabadka 9-ka Bilood ee Sanad Miisaniyeedkan 2017 T.I.

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Shirkan qiimaynta oo hadda galay maalintiisii labaad ayaa diiradda lagu saarayaa fulinta qorshayaasha ku saleysan himilooyinka Xisbiga Barwaaqo.
Ujeeddadu waa in la qiimeeyo heerka ay marayaan hawlihii qorshaysnaa iyo sida ay uga qayb qaateen horumarinta deegaanka.
Waxaa si gaar ah loo falanqeynayaa dhinacyada horumarka wanaagsan ee laga gaaray deegaanka, iyadoo gobollada iyo maamul-magaalooyinka deegaanka ay si nidaamsan u soo bandhigayaan warbixintooda waxqabad.
Shirka ayaa si habsami leh u socda, waxaana la filayaa in natiijooyinka kasoo baxa ay gacan ka geysan doonaan xoojinta qorsheyaasha mustaqbalka.