Dadaalka Dowladda ee Lagu Bixiyo Adeegyo Degdeg ah oo Hufan Waa Mid Layaab Leh – Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasada - ENA Af-Soomaali
Dadaalka Dowladda ee Lagu Bixiyo Adeegyo Degdeg ah oo Hufan Waa Mid Layaab Leh – Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasada

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 22, 2017 (ENA): Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Siyaasada ayaa bogaadyay dadaalka joogtada ah ee dawladu ay ugu jirto sidii ay muwaadiniinta ugu fidin lahayd adeegyo degdeg ah oo hufan.
Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasada, oo ay ka mid yahay xisbiga haya talada ee Barwaaqo ayaa booqday Xarunta adeeg Hal-Goob ah ee “Mesob,” taas oo si rasmi ah uu u daah furay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed.
Intii lagu guda jiray booqashadaas, masuuliyiin uu ka midyahay madaxa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ah Wasiirka Arrimaha Golaha Wasiirrada, Alemtsahaye Paulos, Koomishinka Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Dr. Mekuria Haile, iyo khubaro kale, ayaa ka bixiyay faahfaahin ku saabsan xarunta.
Waxaa la xusay in xarunta adeegga hal-Goob ah ay isu keentay 12 hay’adood oo dowladeed, kuwaas oo bixiya 41 adeeg oo kala duwan.
Adeegyadan ayaa lagu sifeeyay kuwo casri ah, hufan, isla markaana daahfuran, kuwaas oo gacan ka geysanaya in la tirtiro musuqmaasuqa iyo nidaamyada adeeg bixinta ee aan waxtarka lahayn.
Hoggaamiyeyaasha siyaasada ee la wareystay oo ay warbaahinta ENA la hadashay ayaa tilmaamay in dowladda ay si weyn u yaraysay waqtigii ay dadka ku lumin jireen cabashooyinka muddada dheer ee la xiriira adeeg bixinta liidata.
Tigist Assefa, oo ah Madaxa waxda Haweenka Qaab dhismeedka ee Xisbiga Midnimada Qaranka Itoobiya, ayaa ka mid ahayd dadka ra’yigooda ka dhiibtay, waxay xustay in xarunta Mesob ay ka sarre martay filashadoodii, isla markaana ay si weyn u horumarin doonto helitaanka adeegyada ee muwaadiniinta.
Waxay sidoo kale ku amaaneen xarunta adeeggeeda casriga ah iyo nidaamka toosan ee lagu bixinayo adeegyada.
Solomon Tafese, oo ah Madaxweynaha Xisbiga Jiilka Cusub, ayaa sheegay in xarunta adeegga ay u suurtagelinayso muwaadiniinta inay si sahlan oo aan caqabad lahayn u helaan adeegyada ay u baahanyihiin, ayna guryahooda ugu laabtaan iyaga oo gaadhay yoolkoodii.
Wuxuu intaas ku daray in xarunta Mesob ay muujinayso horumarka dalka ee dhanka dhismaha hay’adaha xooggan iyo wax ka qabashada baahiyaha adeeg ee dadweynaha.
Sidoo kale, Imam Maxamed, oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Wollo, ayaa sheegay in tayada adeegyada ay ku arkeen xarunta Mesob ay la jaanqaadaysay waxa uu horey ugu arkay dalal horumaray.
Wuxuu sheegay in habka adeeg bixinta ee xaruntu ay tahay mid runtii la yaab leh, maadaama uu muwaadiniinta ka badbaadinayo waqti lumis iyo dhaqaale, isla markaana meesha ka saaraya nidaamyada aan hufnayn.