Xubnaha Golaha Baarlamaanka Addis Ababa ayaa sheegay in magaaladu ay haysaro hoggaan tusaale u ah fulinta mashriicda horumarineed sida mashruuca xaafada Kaasaanjis - ENA Af-Soomaali
Xubnaha Golaha Baarlamaanka Addis Ababa ayaa sheegay in magaaladu ay haysaro hoggaan tusaale u ah fulinta mashriicda horumarineed sida mashruuca xaafada Kaasaanjis

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Xubnaha Golaha Baarlamaanka Addis Ababa ayaa muujiyey in hoggaan dhab u fulinaya mashruuca horumarinta ee Kaasaanjis, oo dhawaan la daahfuray, uu yahay mid matalaya rabitaanka shacabka, islamarkaana tusaale u ah fulinta tooska ah ee shaqada horumarineed ee magaalada.
Golaha Baarlamaanka Addis Ababa ayaa haatan qabanaya kulankiisa caadiga ah ee 3aad ee sannad shaqeedkooda afraad.
Kulankan oo ka dhacaya hoolka xuska guusha Adwa, xubnaha golaha ayaa ku gudbinayaan aragtiyo iyo su’aalo kala duwan oo ay dadweynuhu usoo gudbiyeen.
Waxay sheegeen in mashruucyada horumarineed ee magaalada ka socda aysan kaliya ahayn kuwo muuqda oo la taaban karo, balse ay Addis Ababa u beddeleen mid magaceeda la jaanqaadaysa.
Waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in mashruucyadan ay beddeleen dhaqanka shaqo ee bulshada, kor u qaadeen wacyiga dadweynaha, islamarkaana fursado shaqo abuureen.
Mashruuca horumarinta Kaasaanjis oo dhawaan uu daahfuray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), ayaa lagu tilmaamay inuu muujinayo hoggaan dhab ah oo shaqada la qabtay la arki karo.
Waxay intaa ku dareen in arrintan ay si weyn u farxad gelisay bulshada, rajana ku abuurtay.
Dhinaca kale, xubnaha Golaha waxay muujiyeen in maamulka magaalada uu si xooggan uga shaqaynayo sidii adeegyada bulshada loo wanaajin lahaa, loona mideyn lahaa degmooyinka iyo hay’adaha kala duwan.
Waxay xuseen in dadaalladan ay keeneen isbedel weyn oo ku yimid tayada adeegyada.
Ugu dambeyntii, xubnaha golaha waxay mahadnaq u jeediyeen dadaalka maamulka ee mashruuca horumarinta wadooyinka iyo shaqooyinka la xiriira horumarinta awoodda aadanaha, iyagoo ku baaqay in la sii wado mashruucyada horumarineed ee socda.