Waan Sii Xoojin Doonnaa Dadaallada Lagu Ballaarinayo Warshadaha, Maalgashiga, iyo Xoojinta Nabadda – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Temesgen Tiruneh

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 22, 2017 (ENA) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Temesgen Tiruneh, ayaa sheegay in dawladu ay sii xoojin doonto dadaalladeeda lagu ballaarinayo warshadaha, maalgashiga, iyo sidoo kale xoojinta nabadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa si rasmi ah u furay bandhigga warshadaha iyo dhaqaalaha qaranka ee Wollo Kombolcha, kaasoo hal-ku-dhiggiisu yahay “Nabaddu waa baasaboor maalgashi”.

Khudbadiisii furitaanka ayuu ku sheegay in Itoobiya muddo dheer la daala-dhacaysay caqabadaha saboolnimada iyo horumar la’aanta oo ayna mudnayn.



 Wuxuu tilmaamay in toddobadii sano ee isbeddelka laga sameeyey  dalka dadaalo lagu gaarsiinayo horumar la taaban karo iyada oo la adeegsanayo khayraadka gudaha iyo dadaal looga gudbayo saboolnimo laguna gaaro barwaaqo.

Wuxuu xusay in mid ka mid ah waxyaabaha hormuudka u ah isbeddelkaasi yahay ololaha qaranka ee “Ethiopia Tamrt” (Itoobiya ha Soo Saarto), taas oo si weyn u kordhisay wax soo saarka dalka. Dhaqdhaqaaqan ayaa ujeedkiisu tahay in la beddelo badeecooyinka laga keeno dalka dibadiisa oo lagu beddelo kuwa gudaha lagu soo saaro, lagana dhigo Itoobiya mid tartan la geli karta suuqyada caalamka iyada oo la xoojinayo awoodda wax soo saar ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu sheegay in wax soo saarka iyo nabaddu ay si dhow isugu xiran yihiin. Wuxuu tusaale u soo qaatay meelaha sida Dessie iyo Kombolcha, oo uu sheegay in halkaas laga arkay natiijooyin dhab ah markii mabda’aas la hirgeliyey.


 

Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in dadku ay doorteen nabadda markii ay garteen waxa danta u ah bulshada, isla markaana ay iska diideen colaadda ay kicinayaan kuwa nabad diidka ah, waxayna hadda si toos ah ugu shaqaynayaan horumar iyo barwaaqo.

waxa uu yiri “Waa xilli horumar, ee ma aha xilli colaad,” isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabad ah iyadoo oo la adeegsanayo habka wadatashiga qaran, midnimo, iyo iscafis. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dowladda ay ka go’an tahay nabaddu, isla markaana koox kasta oo aragti kale qabta ay mudan tahay in ay nabadda iyo horumarka dalka ka horaysiiso khilaafka.

Sidoo kale waxa uu sheegay i, waa xilli aqoon iyo horumar, ay tahay taasoo u baahan dadaal adag. “Waa xilli wax lagu beero, ee ma aha lagu burburiyo — waa xilli wax la soo saaro, ee ma aha xilli dhib la abuuro,” ayuu yiri, isaga oo xusay in qaar kamid ah kuwa hurinaya colaadaha ay ka leexdeen jidka nabadda iyo horumarka iyaga oo raacaya danahooda shaqsiyeed ama faham khaldan.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay taageeraan hay’adaha horumarka wado iyo kuwa ilaaliya nabadda, isaga oo intaas ku daray in ay muhiim tahay in bulshada ay si joogto ah ugu lug yeelato isbedelka togan ee heer deegaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenku wuxuu baaq nabadeed u diray dhammaan xoogagga diyaarka u ah in ay nabadda qaataan oo ka jawaabaan baaqa dowladda ee nabada iyo is -cafinta.

Wauxuu sidoo kale xusay in dowladda ay sii wadi doonto tallaabooyinka sharciga ah ee laga qaadayo cid kasta oo diidda nabadda isla markaana khatar ku ah horumarka iyo amniga shacabka.

Bandhigga Qaranka ee Warshadaha iyo dhaqaalaha ee Wollo Kombolcha ayaa socon doona ilaa Miyaaziya 29, 2017, waxaana ka qeyb galaya in ka badan 200 shirkadood oo gudaha iyo dibadda ah, hay’ado maaliyadeed, iyo warshado, kuwaas oo soo bandhigaya adeegyo iyo badeecooyin kala duwan oo loogu talagalay ganacsi iyo suuqgeynta.

#Wakaaladda_Warka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015