Golaha Baarlamaanka ee Addis Ababa ayaa yeelanaya Kalfadhigii 3aad ee caadiga ahaa

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 22/2017 (ENA): Golaha Baarlamaanka ee Addis Ababa ayaa maanta yeelanaya kalfadhigii 3aad ee caadiga ahaa ee sanad shaqeedkooda afaraad.

Kalfadhigan ayaa la filayaa in lagu gorfeeyo warbixinta waxqabadka Maamulka Magaalada Addis Ababa ee sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kalena la eegi doono ajandayaasha kale ee miiska saaran.

Shirkan ayaa ka dhacaya hoolka shirarka ee Golaha Baarlamaanka, kaas oo ku yaalla Madxafka Xuska Guusha Adwa ee Magaalada Addis Ababa.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015