Wasiirka Maaliyada Itoobiya Mudane Axmed Shide oo kulan Dhaxalgal ah layeeshay masuuliyiinta Sare ee wasaarada arimaha Dibada wadanka Maraykanka

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 21/2017 (ENA): Wasiirka wasaarada maaliyada Mudane Axmed Shide oo uu wehelinayo Danjiraha Dawlasa Itoobiya ufadhiya wadanka Maraykanka Mudane Binalif Andhalem ayaa kulan laba geesood ah oo dhaxal-gal ah layeeshay masuuliyiinta sare ee wasaarada arimaha Dibada wadanka Maraykanka.


 

Kulankan ayaa ahaa mid gaar ka ah shirka sanadlaha ee sanadka 2025 ee hay"ada lacagta Aduunka(IMF) iyo Bangiga Aduunka ee kasocda Magaalada Washington DC.

Mudane Axmed Shide ayaa inta uu kulankan socday faahfaahin kasiiyay masuuliyiinta sare ee wasaarada arimaha Dibada wadanka Maraykanka howlaha Itoobiya ay wado ee ku'aadan Dhaqangalinta dib u habaynta dhamayskatiran ee lagu sameeyay dhaqaalaha heer Dal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015