Dadaallada Xoojinta korinta hore ee Carruurta Waa In La Sii Wadaa

Diri Dhaba, Duugato/Miyaasiya 21, 2017 (ENA) Marwo Werqsemu Mamo, xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka ee u qaabilsan Guddiga Joogtada ah ee Caafimaadka, Isboortiga iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in lasii wado Dadaallada lagu xoojinayo daryeelka korinta hore ee carruurta.

Shir wadatashi ah ayaa lagu qabtay magaalada Diridhaba kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta korinta hore ee carruurta, waxaana ka qaybgalay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Shacabka, daneeyayaal kala duwan iyo mas’uuliyiin sare oo dowladeed.

Madasha ayaa lagu falanqeeyay natiijooyin cilmi-baaris ah oo muujinaya caqabadaha iyo xalka la xiriira carruurta ka yar lix sano jir.


 

Marwo Werqsemu Mamo ayaa xustay in ujeeddada shirka ay tahay in kor loo qaado wacyiga iyo taageerada la xiriirta caafimaadka, nafaqada, daryeelka waalidka, waxbarashada, iyo badbaadada carruurta xilliga korinta hore.

Waxay adkaysay in dadaallada la xoojiyey ee qaybahan ay tahay in aan la joojin balse la sii ballaariyo, iyadoo sheegtay in dadaaladan oo kale ka jiraan magaalada Addis Ababa, loona baahan yahay in hawlahan isku dhafan oo la mid ah laga hirgeliyo Diridhaba iyo deegaanada kale si loo gaaro natiijooyin wanaagsan.


 

Duqa magaalada Diridhaba khadiir Juhar, ayaa sheegay in madashu ay dhidibada u adkeynayso isbeddel wax ku ool ah ee lagu horumarinayo korriinka iyo waxbarashada carruurta.

Wuxuu intaa ku daray in maalgelinta carruurta—oo ah jiilka mustaqbalka dalka—ay tahay masuuliyad wadajir ah oo cid walba saaran.


 

Dr. Dereje Dhuguma, Wasiiru Dowlaha Caafimaadka, ayaa tilmaamay in si wanaagsan loo qorsheeyay ee xilliga hore ee korinta hore ee arruurta ay muhiim u tahay horumarka muddada-dheer ee dalka.

Wuxuu sidoo kale caddeeyey in ay socdaan dadaallo lagu siinayo carruurta daryeel ku habboon iyada oo loo marayo hawlo kala duwan la sii xoojin doono.


 

Dr. Meseret Zelalem, Ku-xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Horumarinta Carruurta ee Afrika, ayaa sheegtay in tan iyo markii xarunta laga aas-aasay Addis Ababa, ay gaartay natiijooyin muuqda oo ku saabsan horumarinta korinta hore ee carruurta.

Waxay intaa ku dartay in fidinta tusaalaha Addis Ababa laga bilaabay la gaadhsiiyo deegaanada kale si loo gaaro natiijooyin ballaaran oo heer qaran ah.

Dr. Meseret ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka dhammaan daneeyayaasha iyo bulshada guud ahaan, oo aysan ku filnayn dadaalka xarunta oo kaliya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015