Itoobiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshiiya in ay xoojiyaan iskaashigooda dhinaca caafimaadka

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 21/2017 (ENA): Wafti ay hoggaaminayso Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdas Dhaaba ayaa booqasho shaqo ku tagay Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay kaga qayb galeen xafladda daahfurka sanduuqa cusub ee caafimaadka oo loo bixiyey ‘Beginnings Fund’.

Xafladdan daahfurka oo shalay lagu qabtay magaalada Al-Cayn, gaar ahaan isbitaalka Kanada, ayaa waxaa martigeliyey aasaaska samafalka ee Maxamed Bin Sayed, waxaana Dr. Maqdhas ka jeedisay khudbad muhiim ah.

Dr. Maqdhas ayaa sheegtay in sanduuqan cusub uu qayb weyn ka qaadan doono dadaallada ay Itoobiya ugu jirto horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Waxay sidoo kale tilmaantay in mashruucani uu faa’iido weyn u leeyahay dalalka soo koraya ee Afrika.

Intii ay booqashada ku sugnaayeen, Dr. Maqdhas waxay sidoo kale la kulantay Cabdiraxmaan Bin Maxamed Al-Cuweys, oo ka tirsan madaxda Imaaraadka Carabta.


 

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha caafimaad, raadinta waddooyin cusub oo iskaashi, iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta labada dal.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen sidii loo dhisi lahaa isbitaallo waaweyn oo casri ah oo Itoobiya ka hirgala, iyaga oo muujiyey sida labada dhinac uga go’an tahay in ay iska kaashadaan arrimaha caafimaadka.

Sida laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Imaaraadka, labada wasiir ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ee labada dal.

Sanduuqa cusub ee ‘Beginnings Fund’ ayaa ah hannaan iskaashi oo diiradda saaraya samafalka, waxaana si gaar ah loogu talagalay in lagu xaqiijiyo badbaadada hooyada iyo carruurta da’da yar ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015