Bulshada magaalada Jigjiga waa inay gacan ka gaystaan kahortaga falalka khalkhalgalinaya amniga iyo nabadgalyada magaalada— Cabdiqaadir Rashiid - ENA Af-Soomaali
Bulshada magaalada Jigjiga waa inay gacan ka gaystaan kahortaga falalka khalkhalgalinaya amniga iyo nabadgalyada magaalada— Cabdiqaadir Rashiid

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 21/2017 (ENA): Kulan ku saabsan dardargalinta iyo sii xoojinta shaqooyinka amniga caasimadda ayaa loo qabtay guddi soonnada xaafadaha, qaar ka mid ah shacabka iyo taliyayaasha booliska ee magaalada Jigjiga.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Madaxa Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdiqaadir Rashiid, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali, Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Jigjiga iyo qaar ka mid ah shacabka ayay ujeedada kulankani daaranaa sidii loo sii adkayn lahaa amniga caasimadda magaalada Jigjiga oo ay bulsho badani ku nooshahay iyo in lasii adkeeyo isku xidhka booliska iyo bulshada.
Madaxa Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdiqaadir Rashiid oo ka hadlay kulankan ayaa kula dardaarmay hooyooyinka iyo bulshadii ka soo qaybgashay inay gacan bir ah ku qabtaan cidkasta oo carqalad galinaysa amniga bulshada.
Geestooda gudi soonnadii ka soo qaybgashay kulankan ayaa iyana sheegay in ay sii labo jibaarayaan nabadda ay ka hortagaan cidkasta oo carqalad galinaysa amniga nabadduna tahay geed lawada harsado.
Ugu dambayntii, waxaa la islaqaatay in hal meel looga soo jeedsado adkaynta amniga magaalada.