Magaalada Diridhaba waxaa ka socda madal dood ah oo lagu hirgelinayo barnaamijka horumarinta caruurnimada

Diridhaba, Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA): Madal doodeed oo ujeedadeedu tahay hirgelinta barnaamijka horumarinta caruurnimada ayaa ka socota maamulka magaalada Diridhaba.


 

Ujeeddada barnaamijkan ayaa ah si loogu abuuro jiilka mustaqbalka ee hoggaaminta dalka, waxaana madasha lagu soo bandhigay xog uruurin iyo falanqayn lagu ogaanayo dhibaatooyinka aasaasiga ah iyo xal u helida carruurta da’doodu ka yar tahay lixda sano ee maamulka magaalada.


 

Sidoo kale waxaa la sheegay in barnaamijkan uu ka bilowday magaalada Addis Ababa, lana gaarsiinayo magaalada Diridhaba iyo magaalooyin kale.


 

Doodan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Caafimaadka, Horumarinta Bulshada iyo Ciyaaraha ee Golaha Shacabka, Marwo Warqsamu Mamo, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Dhereje Dhuguma, Madaxa Xarunta Horumarinta Carruurnimada Afrika, Dr. Kebedhe Worqu, Duqa Maamulka Diridhaba, Khadiir Jawhar, iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015