Mashruuca dalxiiska shabeelley waxaa gaadhay wafdi ballaadhan oo khibrad wadaag u yimid magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Mashruuca dalxiiska shabeelley waxaa gaadhay wafdi ballaadhan oo khibrad wadaag u yimid magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 21,2017(ENA) Masuuliyiin oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Hormarinta Magaalooyinka Deegaanka Soomaalida Mudane Axmed Shugri iyo Wasiiru Dawlaha Horumarinta Magaalooyinka dalka Mudane Khaalid Cabdiraxmaan ayna wehelinayaan maayirada maamulka 31ka magaalo ee dalka ee uu ka socdo mashruuca Corriderku, kuwaasoo khibrad wadaag u yimid magaalada Jigjiga ayaa booqday xarunta dalxiiska Shabeelley iyo guryo-wadareedka loo dhisay dadka uu saameeyay mashruucu.
Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, ahna maareeyaha mashruuca dhismaha xarunta dalxiiska Shabeelley, Mudane Axmed Shugri Cabdi, ayaa wafdigan uga warbixiyay mashruucan oo meel wanaagsan maraya.