Wafdiga Wasaaradda Caafimaadka JDFI oo Soo Gaaray Diri Dhabe - ENA Af-Soomaali
Wafdiga Wasaaradda Caafimaadka JDFI oo Soo Gaaray Diri Dhabe

Diri Dhaba; Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Itoobiya, Dr. Dereje Dhuguma, ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Diridhabe.
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka, iyadoo ay soo dhaweyntooda hormuud u ahaayeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Duqa Magaalada Diridhabe, Mudane Khadir Johar.
Ujeeddada safarka wafdigan ayaa ah ka qaybgalka madal dood-wadaag ah oo lagaga hadlayo daraasad hordhac ah oo ku saabsan xaaladda horumarinta carruurta da’da yar, taasoo ka qabsoomaysa Ismaamulka Diridhabe.