Itoobiya iyo bixiyeyaasha deymaha Warqadda bangiga lacagta Yuurada ayaa ku heshiiyey inay wadahadalo dheeraad ah yeeshaan - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo bixiyeyaasha deymaha Warqadda bangiga lacagta Yuurada ayaa ku heshiiyey inay wadahadalo dheeraad ah yeeshaan

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA):- Itoobiya iyo bixiyayaasha warqadda bangiga Yuurada ayaa heshiis ku gaadhay in wada hadalo dheeraad ah laga yeesho maamulka deymaha ee Itoobiya.
Kulamada gu'ga ee sannadlaha ah ee Kooxda Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ka socda caasimadda Washingtan.
Wafti heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyada Axmed Shide ayaa wadahadal la yeeshay hay’adaha deymaha ee Itoobiya ee warqadaha bangiga yuurada.
Dooda ayaa diiradda lagu saaray halka ay marayaan wada xaajoodyada maaraynta deymaha ee Itoobiya, kaas oo ay ku heshiiyeen guddiga daymaha Itoobiya bishii Cuur/Magaabiit 2025 iyada oo la raacayo qaabka deyn cafinta ee wadamada G-20.
Wasiirku waxa uu uga warbixiyey deymaha ganacsiga ee ku saabsan hanaanka dib u habaynta dhaqaalaha guud ee Itoobiya. Islamarkaana waftigu waxay ka wadahadleen xaalada dhaqaale ee dalka Itoobiya ka dib isbadalka la taaban karo.
Gabgabadii, labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la sii wada-hadlo si loo soo gebagebeeyo wada xaajoodyada ku saabsan maaraynta deymaha Itoobiya waqti ku habboon oo waxtar leh, sida ay sheegtay wasaaradda maaliyadda.