In ka badan 2.2 bilyan oo birr ayaa loogu ballan qaaday barnaamijka lacag ururinta "Aan Dhisno Goondhar" - ENA Af-Soomaali
In ka badan 2.2 bilyan oo birr ayaa loogu ballan qaaday barnaamijka lacag ururinta "Aan Dhisno Goondhar"

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA): In ka badan 2.2 Bilyan oo Birr ayaa loogu ballan qaaday intii uu socday barnaamijka qaadhaan ururinta ee "Aan Dhisno Goondhar" oo lagu qabtay Huteelka Sharatan Addis.
Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha JDFI Taaye Asqesilaase, Afhayeenka Aqalka Sare ee Federaalka, Agenyahu Teshager, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Tamasgan Tiruneh, Madaxweynaha Ismaamulka Axmaarada Araga Kebedhee, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumed, madaxda heer federaal iyo heer deegaan, iyo marti sharaf lagu casuumay.
Haddaba, Lacagta loogu Ballan-qaaday ayaa ah:
👉Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa ballan qaaday in ay dhamaystirayso dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Goondhar, waxaana ku baxaya lacag dhan 1.2 bilyan oo Birr.
👉 Deegaanka Soomaalida ayaa ballan-qaaday lacag dhan 15 milyan oo birr,
👉 Hay'adda Gaadiidka badda Itoobiya iyo saadka ayaa u ballan qaadday 50 milyan oo birr,
👉Jaamacada Goondhar waxay u ballan qaadday 35 milyan oo birr,
👉Ururka Caymiska Itoobiya 100 milyan oo birr,
👉Maamulka magaalada Addis Ababa 121 milyan oo birr,
👉Dawlad deegaanka Koonfurta Itoobiya 15 milyan oo Birr,
Dawlad deegaanka Axmaarada ayaa midkiiba 100 milyan oo birr ugu yaboohay horumarinta wadooyinka magaalooyinka Goondhar, Bahirdhaar iyo Dhese, iyadoo dhanka kale xukuumada iyo hay’adaha horumarinta gaarka ah ay sidoo kale taageero dhaqaale ku bixiyeen mashaariicda horumarineed ee magaalada Gonder.
Gabaganadii, in ka badan 2.2 Bilyan oo Birr ayaa lagu ballan qaaday intii uu socday barnaamijkii dhaqaale ururinta ee "Aan dhisno Goondhar" ee lagu qabtay Addis Ababa .