Golaha Wakiillada Shacbka ayaa la filayaa in kulankooda maanta ay ku ansixiyaan Hindise sharciyeedka caafimaadka iyo daryeelka xoolaha

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA): Golaha Shacabka ayaa maanta yeelanaya kalfadhiga 27-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha wakiillada shacabka.

Guddiga Joogtada ah ee Beeraha ayaa Golaha u soo gudbin doona warbixin iyo go’aan la xiriira qabyo qoraalka Xeerka Xanaanada Xoolaha, waxaana la filayaa in dood kadib la ansixiyo.

Waxa kale oo la sheegay in golaha laga sugayo inay ka baaraan dagaan oo ay ansixiyaan soo jeedinta magacaabista madaxda guddiyada joogtada ah ee hadhay.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015