Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa la kulmay Guddoomiye ku xigeenka Baanka Maalgashiga Yurub Ambroose Fayole - ENA Af-Soomaali
Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa la kulmay Guddoomiye ku xigeenka Baanka Maalgashiga Yurub Ambroose Fayole

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 21/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa kulan la qaatay Ambroose Fayole oo ah Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Maalgashiga Yurub, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga horumarinta iyo maalgashiga. Dooddan intii ay socotay labada dhinac waxa ay isku afgarteen in la xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ah.
Wasiir Axmed Shide ayaa uga mahad celiyay bangiga maalgashiga Yurub taageerada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay qaybaha doorka muuqda ka qaata horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Itoobiya. Wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee laga bixiyo dhinacyada maaliyadda, biyaha, nadaafadda, horumarinta hal-abuurka ganacsiga ee ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
Dhankiisa, guddoomiye ku xigeenka bangiga, Ambroose Fayole, ayaa xaqiijiyay in Baanku sii xoojin doono taageerada uu Itoobiya ka siiso dhinacyada ay fulinayso, isla markaana ay mudnaanta siinayso horumarkeeda dhaqaale iyo kobaceeda.
Waxa uu sidoo kale sheegay intii dooda lagu guda jiray in ballanqaadka taageerada ay ka mid tahay sahminta fursadaha lagu maalgelinayo mashruuca cusub ee garoonka diyaaradaha caalamiga.
Ugu danbayntii, labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan wada shaqayntooda iyo inay ka wadahadlaan qaybaha kala duwan iyo fursadaha ay ku kala dooran karaan inta ay ku guda jiraan socdaalka madaxda sare ee Baanka uu ku imaanayo Itoobiya.