Dawladda Itoobiya ayaa xooga saartay hal-abuurka iyo xirfadaha – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Tamasgan Tiruneh

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Wasaaradaha Waxbarashada, Teknolojiyadda, Shaqada iyo Xirfadaha, iyagoo kaashanaya 'African Brains', ayaa soo qabanqaabiyay shirweynaha Curinta Africa 2025, kaasoo ka socda magaalada Addis Ababa, hotel-ka Sky Light.

Shirkan oo ku saabsan waxbarashada, teknoolojiyadda iyo xirfadaha, waxaa ka soo qaybgalaya wasiirrada iyo wufuud ka kala socda dalalka Afrika, hay'ado caalami ah oo la shaqeeya waxbarashada, maalgashadayaal ka socda shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo marti sharaf kale.


 

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Mudane Tamasgan Tiruneh, oo sheegay in dhismaha jiilka cusub uu si weyn ugu xiranyahay horumarinta waxbarashada, teknoolojiyadda, iyo xirfadaha, isagoo xusay in shirka uu yahay madal wax ku ool ah oo lagu falanqaynayo arrimahaas.

Mudane Tamasgan waxa uu sidoo kale tilmaamay in dawladda Itoobiya ay mudnaan gaar ah siisay horumarinta waxbarashada iyo xirfadaha, iyadoo xoogga saartay dhismaha xarumaha waxbarashada, hagaajinta aasaaska horumarinta, balaarinta shabakadaha dhijitaalka ah, iyo dhiirigelinta hal-abuurka iyo xirfadaha.

Waxa uu intaas ku daray in Afrika ay u baahan tahay isbedel dhab ah oo dhinacyadan lagu sameeyo, loona baahan yahay in si wadajir ah gacmaha la isqabsado si horumar waara loo gaaro.


 

Wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya, Brofessor Birhaanu Nega, oo isna hadlay, ayaa sheegay in xaaladda caalamka maanta ay aad u is bedeshay, loona baahan yahay in jiilka cusub iyo dhalinyarada la hubiyo in si wanaagsan loo diyaariyo, si ay mustaqbalka ula jaanqaadaan isbeddelka adduunka, taas oo la gaari karo iyadoo la xoojinayo waxbarashada, teknoolojiyadda iyo xirfadaha.

Wasiirku waxa uu xusay in shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah uu diiradda saari doono doodaha iyo wadatashiyada la xiriira horumarinta waxbarashada, teknoolojiyadda iyo xirfadaha, taasoo dhidib u taagi karta isbedelka ay Afrika u baahan tahay.

Ugu dambayntii, shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa ajandayaal muhiim ah oo la xiriira waxbarashada, ICT-da (teknoolojiyadda xogta iyo isgaadhsiinta), iyo xirfadaha, kuwaasoo dood iyo wadatashi lagu falanqeyn doono.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015