Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu qiimeeyay xaaladda amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee xili xaadirkan Dalka ka jira

Fariinta Madaxweynaha ayaana u dhignay sidan hoose:

Xisbiga Barwaaqo wuxuu qiimeeyay xaaladda amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee xili xaadirkan Dalka ka jira. 

Wuxuu boggaadiyay horumarka balaadhan ee ka jira dhanka siyaasadda oo uu ugu horeeyo hirgalinta nidaam fadaraali ah oo dhab oo Deegaanaddu ay u madax banaan yihiin arimahooda maamul. Waxaa kale oo guulaha siyaasadeed kamid ah abuuridda xisbi middaysan oo suuragaliyay in la isku wadi karo xorriyadda qowmiyadaha iyo midnimadda iyo Wadajirka dalka. 

Waxaa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda furfuraanta dhaqaalaha iyo xorreynta sarifka lacagaha adag oo leh kufaa kac balse ah sida kaliya ee dalku kor ugu qaadi karo kaydka lacagaha adag ee muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Waxaa la bogaadiyay guulaha dhanka waxsoosaarka beeraha, macdanta, iyo koboca waxsoosaarka la dhoofiyo. Waxaa la isla meel dhigay guulaha biloowga ah ee dhanka Horumarinta Magaalooyinka oo bilicda ka muuqata caasimadda dalka ay makhraati u tahay. 

Dhanka amniga waxaa hoosta laga xariiqay badbaadintii dalka laga badbaadiyay qawlaysatadii damacday inay Xukunka dib u qabsato, iyo fashilinta xooggaga xagjirka ah ee Deegaanadda qaar ka waday qalalaase iyo iska horkeen shacabka ah. Waxaa kale oo la bogaadiyay tayaynta iyo casriyeenta hay’adaha aminga ee dalka. 

Waxaa guulahaas la gaadhay iyadoo lala tacaalayo duruufo adag oo isugu jira kuwa dabiici ah (sida abaaro, COVID), kuwo colaadeed, iyo hardan geopolitics oo mandaqada iyo dunidaba ka socday, saameeyayna dhaqaalaha dunida iyo dalkaba. 

Waxaa kale oo la qiimeeyay Isbadalka dhanka xeeladaha minjaxaabinta ee ay la yimaadeen xooggaga ku fikiraya inay burburiyaan nidaamka maanta jira ee ku yimid Isbadalkii 2018ka. 7dii sano ee Isbadalka waxaa xooggaga isbadal-diidka xeelad u aheyd iska horkeenka qowmiyadaha iyo diimaha kala duwan, dagaal toos ah iyo jabhadeeyn. Waxay hadda ku qanceen in ayna hadafkooda ku gaadhi karin xabad oo kaliya. Waxaa markaa hadda xeelad cusub u ah inay abaabulan kacdoon shacab. Si taasi ugu meelmarto waxay go’aansadeen in ay laba jibaaraan xeeladda dagaalka saxaafadda (asymmteric information warfare), si marka hore kalsoonidda shacabku dawladda ku qabaan meesha looga saaro, kadibna loo abaabulo kacdoono lagu bartilmaameedsanyo hay’adaha amniga iyo guud ahaan dawladnimadda. 

Tusaale ahaan, iyagoo ka amba qaadaaya xeeladaas waxa ay abaabuleen filimaan la sameeyay oo la xidhiidha kufsi loo geeystay gabadh ardayad ah. Maaha inaan leeyahay dhibaatooyin kufsi la xidhiidha meelna kama dhicin ama wax dhib ah oo dhanka amniga ah majiro. Balse waxaan Tusaale u soo qaadayanaa dhacdan oo cadho ka badan ta caadiga ah abuurtay maadaama si farshaxan ah loo diyaariyay. Nasiib wanaag waxaa markiiba soo baxday in filin la sameeyay ay aheyd dhacdadii ardaydii sheegtay in qowmiyadda ay tahay awgeed loo kufsaday. 

Dhanka Deegaanka Soomaalidda, waxaa in muddo ahba socday buuq iyo abaabul aan ka imanayn shacabka balse ay wadaan Isbadal-diidku, oo ay ugu horeeyaan hadhaagii nidaamkii dad-qalatada ahaa shalay. Inkasta oo ay jiraan gacmo shisheeye oo iyaguna ku hawlan khalkhal galinta amniga Deegaanka, haddana waxay isticmaalayaan gacmo gudaha ah. Sawaxanadaas waxaa kamid ah in dhacdooyin been-abuur ah lagu kiciyo dareenka shacabka si la mid ah filinka gabdhii in la kufsaday sheegtay ee baryahan saxaafadda dalka la dhex waday; kadibna abaabul qabaailo oo jihooyin badan ah la sameeyo; ugu dambayna in hay’adaha aminga la ceebeeyo, laguna diro shacabka ay hadh iyo habeen naftooda u huraan. 

Haddaba iyadoo aan la diidanayn in goldolooyin jiri karaan dhan walba, waxaa xaqiiqa ah danleeydii saxaafadda iyo dariiqyadaba sawaxanka abaabulan ka wadday bilahan inay ahaayeen kuwo qayb ka ah xeeladda cusub ee lagu rabo in lagu afgambiyo Isbadalkii dalka. Mana aha wax ku kooban Deegaanka Soomaalidda.

Waxaa kaliya oo iswaydiin leh xaggey shidaalka ka heleen hadhaagii nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee Deegaanka ka jiri jiray oo maalmahan ay shacabka u caaddaatay inay hormoodba u ahaayeen buuqyadii socday? Sidee ayay isugu xidhan yihiin sii fogaanshaha kooxdii waqooyiga ee dalka xukuntay iyo soo aakhira-tooska kuwii ay ku adeegan jireen ee shacabka u xasuuqi jiray? 

Waxaan ugu baaqayaa shacabku inuu ilaashado wixii wanaag ah ee uu haysto, inuu si nabad ah ugu halgamo wixii ka maqan, iyo inuuna ku dagmin dabinada siyaasadda ee meelo kale laga soo abaabulayo. 

Wa bilaahi tawfiik.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015