Wafdi ka socda deeq bixiyayaasha KOICA ee Dowladda Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda mashruuca xalka waara ee hay'adda IOM ayaa booqday shirkadaha kala duwan ee mashruuca dhismaha nabadu taageero - ENA Af-Soomaali
Wafdi ka socda deeq bixiyayaasha KOICA ee Dowladda Kuuriyada Koonfureed iyo madaxda mashruuca xalka waara ee hay'adda IOM ayaa booqday shirkadaha kala duwan ee mashruuca dhismaha nabadu taageero

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Mashruucan dhismaha nabadda oo ay maalgalisay Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa degmada Shiniile ka hirgaliyay mashaariic lagu taageerayo shaqo-abuurka, horumarinta bulshada kuwaas oo ay dib u dajin xukuumada deegaanka usamaysay.
Intii ay booqashada ku jireen, wafdigu waxay kormeereen shirkadaha mashruucu taageeray kuwaas oo ka shaqeeya waxsoosaarka beeraha, xanaanada xoolaha, adeegyada bulshada, iyo ganacsiga kuwaas oo si weyn uga qaybqaatay horumarinta dhaqaalaha degmada Shiniile.
Sidoo kale, wafdiga ayaa la kulmay guddiga shaqo-abuurka degmada Shiniile oo uga warbixiyay guulaha laga gaadhay mashruuca. Intaas kadib, waxay booqdeen suuqyada ganacsiga ee shirkadaha la taageeray iyo goobta dib u dajinta qoysaska oo ku taalla tuulada Jeedane ee degmada Shiniile ee gobolka Siti.