Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa bilaabay qiimaynta waxqabadka 9ka bilood - ENA Af-Soomaali
Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa bilaabay qiimaynta waxqabadka 9ka bilood

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Duqa Magaalada Addis Ababa, Adhaanej Abebe, ayaa sheegtay in maamulka magaalada uu bilaabay qiimaynta waxqabadka 9ka bilood ee sanad miisaaniyadeedkan 2017T.I.
Duqa magaalada, oo qoraal ku baahisay barteeda baraha bulshada, ayaa sheegtay in madasha qiimaynta diiradda lagu saari doonto baadhitaanka hawlaha guuleystay 9-kii bilood ee la soo dhaafay, si loo adkeeyo xooggeenna iyo horumarkeena mustaqbalka.
Waxay intaas ku dartay in sidoo kale si qoto dheer loo qiimayn doono hawlaha aan la fulin, warbixinnadii lixdii bilood ee hore lagu soo gudbiyey, iyo arrimaha ay dadweynuhu ka cabanayaan si wax looga qabto.
Sidoo kale, madasha qiimaynta waxay iftiimin doontaa awoodda hoggaamiyeyaasha ee xalinta caqabadaha, horumarka laga sameeyay hagaajinta shaqada hay’adaha, iyo sida si degdeg ah loogu xalliyo caqabadaha.
Duqa magaalada waxay sheegtay in madashan ay sidoo kale horseedi doonto in la gaaro is-afgaradyo suuragelinaya fulinta dhammaan qorshayaashii haray ee saddexda bilood ee soo socota, iyadoo la adkeynayo diyaar garowgeena si aan si buuxda ugu adeegno shacabka oo aan u fulino ballanqaadyadeennii.