Itoobiya ayaa ka qaybgashay Shirweynaha 3-aad ee Dhaqaalaha Afrika-Iiraan - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa ka qaybgashay Shirweynaha 3-aad ee Dhaqaalaha Afrika-Iiraan

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Itoobiya waxay si firfircoon uga qaybgalaysaa Shirweynaha 3-aad ee Iskaashiga Dhaqaalaha Afrika-Iiraan iyo Bandhigga Caalamiga ah ee Iiraan oo ka socda magaalada Tehraan.
Shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada warshadaha, ganacsiga, iyo maalgashiga ee u dhexeeya Iiraan iyo dalalka Afrika.
Waxaa Itoobiya uga qaybgalaya wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Warshadaha, Xasan Macalin.
Madaxweynaha Iiraan, Masuud Beseshkiyan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay khibradooda, waayo-aragnimadooda iyo tignoolajiyadooda ay la wadaagaan dalalka Afrika, isagoo xusay horumarka dalkoodu ka sameeyay caafimaadka, ganacsiga, warshadaha, iyo beeraha.
Waxaa sidoo kale la sheegay in bartilmaameedku yahay in ganacsiga u dhexeeya Iiraan iyo dalalka Afrika la gaarsiiyo 10 bilyan oo doollar sanadka soo socda.
Shirkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya dhinacyada shidaalka, dawooyinka, macdanta iyo warshadaha gaar ahaan ganacsiga iyo maalgashiga.