Liifarbuul ayaa markii 20-aad xaqiijisay hanashada Horyaalka Briimar Liigga Ingiriiska.

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 19/2017 (ENA): Kooxda kubadda cagta Liifarbuul ayaa 5-1 ku garaacday Tootanhaam Hotspar kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka Briimar Liigga.


 

Goolasha guusha ayaa waxaa u dhaliyay Luwiis Diyas, Muxammed Salaax, Koodhi Gakbo, Aleeksis Makalistar iyo goolkii shanaad uu iska dhaliy laacibka Tootanham Odujee, oo Tottenham u ciyaara, halka uu Solanke goolka qura u dhaliyay Tootanhaam.


 

Natiijadii ka dib, Liifarbuul ayaa xaqiijisay hanashada horyaalkeedii 20-aad iyadoo leh 82 dhibcood iyo afar ciyaarood ka hadhan yahay gabagabda horyaalkaas.


 

Tani waxa ay ka dhigeysaa in Liifarbuul ay ku jirto rikoorka ah in ay ku guuleysato horyaalka marar badan iyada oo ay iska mid ka tahay, kooxda ay xafiiltamaan ee Manjistar Yunaytidh.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015