Nabadda, kobaca iyo barwaaqada Afrika waa mid aan suuragal ahayn haddii aanla helin hay'adaha booliis oo karti iyo tayo leh - Ra'iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Nabadda, kobaca iyo barwaaqada Afrika waa mid aan suuragal ahayn haddii aanla helin hay'adaha booliis oo karti iyo tayo leh - Ra'iisul Wasaare ku xigeen Temesgen Tiruneh

Addis Ababa, Duugato /Miyaasiya 19, 2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Temesgen Tiruneh ayaa sheegay in nabadda, horumarka, iyo barwaaqada Afrika in aan la gaari karin haddii aan la helin hay’ado boolis oo tayo sare leh.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa fariin uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada waxa uu ku yiri" waxaan maanta si rasmi ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka uga daah furnay tartankii 5-aad ee Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika oo lagu xusayay sanad guuradii 116-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya, oo boqol sano ka hor aasaastay hay’ad boolis oo casri ah, ay tusaale iyo hormuud u tahay qaaradda Afrika.
Sidoo kale, waxa uu sharxay in dib-u-habaynta la sameeyey todobadii sano ee la soo dhaafay ay booliska ka dhigtay mid horumarsan, diyaarsan, xirfad sare leh, isla markaana hawl-karnimo dheeraad ah leh.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxa uu carrabka ku adkeeyey in booliska Itoobiya uu yahay hay’ad soo saartay ciyaartoy magac iyo maamuus u keena Itoobiya iyo Afrika guud ahaanba heer caalami ah.
Waxa uu intaas ku daray in taariikhda iyo waayo-aragnimada Itoobiya ee qaban-qaabinta tartamada noocan oo kale ah ee Afrika ay si weyn uga qayb qaadanayso diyaarinta tartamada.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka wuxuu xusay in Afrika ahaan loo baahanyahay in si heer sare ah la iskagakaashado si loo gaadho horumarka Afrika. Isagoo tilmaamay in marka la mideeyo aqoonta maxalliga ah, waayo-aragnimada, tignoolajiyada, iyo awoodaha kala duwan ee gobolladayada, in la gaari karo himilada ah dhismaha hay'ado boolis oo heer sare ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Ururka Taliyayaasha Booliska Bariga Afrika (EAPCCO) uu xoojinayo iskaashiga iyo walaaltinimada booliska dalalka xubnaha ka ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay in ururku dhiirrigelinayo dhaqanka wada shaqeynta iyo dano wadaagga. isaga oo sheegay in tartankan ciyaaraha uu sii xoojin doono midinimada.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh ayaa u rajeeyey dhammaan ka qaybgalayaasha tartanku in uu noqdo mid guul leh.
#Ethiopia #Wakaaladda_Wararka_Ethiopia #ENA