Axmed Shide ayaa la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka ee IMF - ENA Af-Soomaali
Axmed Shide ayaa la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka ee IMF

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Waxaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, mudane Axmed Shide, hoggaaminayay wafdi sare oo la kulmay Nigel Klark, oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Maamulka ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Kulankooda waxay diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha guud ee Itoobiya, iyaga oo sidoo kale dul istaagay natiijooyinka qiimeynta safarkii saddexaad ee barnaamijka IMF oo lagu sameeyey Itoobiya horraantii bisha Miyaasiya 2025.
Mudane Axmed Shide waxa uu caddeeyey in dib-u-habayntaasi ay door weyn ka qaadatay horumarinta ajandaha isbeddelka Itoobiya, iyadoo la furayo dhaqaalaha, la casriyeynayo, la abuuro fursado horumarineed oo cusub, lagana shaqeynayo in la balaariyo awoodda dhaqaale ee waddanka iyo abuurista fursado shaqo.
Dhinaciisa, Nigel Klark waxa uu xusay in inkastoo caqabado caalami ah ay jiraan, haddana horumar la taaban karo oo ku saabsan gaaritaanka yoolalka dhaqaalaha guud, ururinta dakhliga, iyo hagaajinta xaaladda ganacsiga la sameeyey.
Sidoo kale, waxa uu muujiyey sida IMF ay uga go’antahay in ay si dhow ula shaqeyso Itoobiya si loo dardargeliyo kobaca iyo horumarka waara, iyada oo la taageerayo hirgelinta qorshaha dib-u-habaynta.