Ciidanka Boolisku waa kuwa keenay nabadgalyada deegaanka horseedayna in deegaanku uu noqdo midka ugu nabdoon dalka”, Mudane Cabdiqaadir Rashiid

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 20/2017 (ENA): Munaasabadda xuska sannad-guurada 34aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidaanka Booliska Soomaalida ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee magaalada Jigjiga. 

Masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ugu horeeyo Madaxa Xafiiska Nabadgalyada DDS Mudane Cabdiqaadir Rashiid, Taliyaha Guud ee Booliska Soomaalida Sareeye Guud Cabdi Cali, kuxigeenka Duqa MM Jigjiga Mudane Khadar Budul, heerarka kal duwan ee saraakiisha ciidanka iyo qaybaha shacabka magaalada Jigjiga ayaa ka qaybgalay munaasabad si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sannad-guuradii 34aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Booliska DDS.


 

Madaxa Xafiiska Nabadgalyada DDS Mudane Cabdiqaadir Raashiid ayaa sheegay in sida dhabar adayga leh ee ciidanka boolisku ugu adeegaan bulshada ay horseeday in deegaanku noqdo midka ugu xasiloon guud ahaan deegaannada dalka.  

19-kii bishii Miyaaziya 1984 tirsiga taariikheedka dalka ayaa ahayd maalinkii la aasaasay Ciidanka Booliska Deegaanka, si uu u noqdo mid suga  nabadgalyada magaalooyinka islamarkaana uga hortaga falalka amni darro ee dhaawacaya xasiloonida Deegaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015