Barnaamijka Raadka Cagaaran Ee Sandaka Soo Socda Ayaa ahmiyad gaar La siiyay Dhirta Wadaniga ah - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Raadka Cagaaran Ee Sandaka Soo Socda Ayaa ahmiyad gaar La siiyay Dhirta Wadaniga ah

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 20, 2017 (ENA) — Waxaa la shaaciyey in ahmiyad gaar ah la siiyay dhirta wadaniga ah barnaamijka Raadka Cagaaran ee soo socda.
Dr. Adefras Worku, Madaxa waaxda Isbeddelka ee Agaasinka Horumarinta Dhirta iyo Iskuduwaha Guddiga Farsamada ee Qaranka ee Barnaamijka Raadka Cagaaran, ayaa wareysi uu siiyay ENA ku sheegay in diyaar garow xooggan oo barnaamijka Raadka Cagaaran ee sanadkan soo socda.
Wuxuu xusay in ololaha Raadka Cagaaran ee qaran ee sanadkan la qorsheynayo in lagu beero 7.5 bilyan oo geed
Isuduwuhu waxa uu sheegay in bilaha xagaaga lagu beeri doono goobihii laga sameeyay hawlaha ilaalinta ciidda iyo biyaha, meelaha la nadiifiyay iyo meelaha kale ee u diyaarsan in la beero.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in khubaro ka socota Xafiiska Fulinta Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Federaalka loo diray gobollo kala duwan si ay u qiimeeyaan goobaha beeritaanka iyo diyaarinta dhirta yaryar.
Wuxuu intaa ku daray in khariidad daboolaysa 50 boqolkiiba dhulka loo qoondeeyay beeritaanka geedaha sanadkan la diyaarinayo.
Waxaa sidoo kale sheegay in ay socdaan diyaarinta geedaha miraha iyo kuwa kaymaha.
Dr. Adefras wuxuu adkeeyay in dadaallo xoog leh la gelinayo sidii beeritaanka geedaha loo taageeri lahaa iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada.
Wuxuu muujiyay in goobo badan oo dhirta lagu kobcoyo ay shaqooyinka bilaabeen, taasoo fursado shaqo u abuurtay dhalinyaro badan.
Waxa uu xusay in barnaamijkani uu bilihii xagaaga si ka wanaagsan oo wax ku ool ah u fuliyay hawlo ilaalinta ciidda iyo biyaha.
Ugu dambayn, Waxa uu sheegay in barnaamijka Raadka cagaaran ee sanadkan uu ka duwan yahay sanadihii hore, iyadoo si gaar ah Ahmiyad loo siiyay dhirta wadanigaah, isla markaana la guda galayo howlaha diyaarinta ah, isla markaana hawlaha diyaar garowgu si wanaagsan u socdaan.
#Ethiopia #Ethiopian_News_Agency #ENA