Itoobiya waxay si xooggan ugu shaqaynaysaa inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka – Ngosi Okonjo - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay si xooggan ugu shaqaynaysaa inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka – Ngosi Okonjo

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 19/2017 (ENA): Itoobiya waxay si xooggan uga shaqaynaysaa sidii ay u dhammaystiri lahayd xaaladaha lagama maarmaanka u ah si codsigeeda xubinnimo loogu aqbalo shirweynaha Ururka Ganacsiga Adduunka ee sannadka soo socda lagu qaban doono Yaoundé, Cameroon, sida ay shaacisay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka, Ngosi Okonjo.
Agaasimaha Guud oo farriin ku daabacday boggeeda baraha bulshada, ayaa sheegtay in Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), Bangiga Adduunka, iyo Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ay si wadajir ah u qabteen kulan xilli xagaaga ah, kaas oo ay dhinac socdeen wadahadallo lala yeeshay mas'uuliyiin sar-sare oo Itoobiya iyo Usbekistan ka socda, si looga hadlo sidii ay dalalkooda ugu biiri lahaayeen Ururka Ganacsiga Adduunka.
Waxay intaas ku dartay in iyadoo la joogo xilli laga shaqeynayo dhimista canshuuraha ganacsiga caalamiga ah, wadahadalladaasi ay fursad siinayaan in la falanqeeyo xubinimada WTO iyo faa'iidada uu leeyahay nidaamka ganacsi ee wadamada badan.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxay tilmaantay in taageero farsamo iyo horumarinta awooda laga helo ururada wadamada badan iyo asxaabta kale ay ka mid tahay arrimaha muhiimka ah ee dedejin kara hannaanka xubinnimada.
Ugu dambayn, waxay xustay in Itoobiya ay muujisay go'aan adag iyo dadaal muuqda oo ku aaddan arrintan.