Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Maaliyadda ee Mareykanka - ENA Af-Soomaali
Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Maaliyadda ee Mareykanka
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 20, 2017 (ENA) – Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya, Axmed Shide, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaaa Maaliyadda ee Dowladda Mareykanka.
Kulankaasi ayaa dhinacsocday shirarka sanadlaha ah ee 2025 ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ee ka socda magaalada Washington, D.C.
Axmed Shide ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Eric Meyer, Kaaliyaha Xoghayaha wasaarada Maaliyadda ee Mareykanka, iyagoo diiradda saaray arrimaha laba-geesoodka ah iyo kuwa caalamiga ah.
Kaaliyaha Xoghayaha, Eric Meyer, ayaa muujiyay sida uu ugu riyaaqay dadaallada isbedel ee Itoobiya wado, isaga oo xusay in dalkaasi uu dhisayo dhaqaale adkeysan kara caqabadaha caalamiga ah.
Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in hawlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Itoobiya uu gacan ka geysanayo casriyeynta dhaqaalaha adkaysi leh isaga oo bogaadiyay dadaallada socda ee lagu taageerayo isbedelladaasi.
Wasiir Axmed Shide ayaa isna adkeeyay in Itoobiya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga wanaagsan ee kala dhexeeya Mareykanka, iyada oo la dhisayo danaha la wadaago ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka waara iyo qaybaha kale ee muhiimka ah.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA