In ka badan 22,000 oo Itoobiyaan ah ayaa dib loogaso celiyay Sacuudi Carabiya – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada - ENA Af-Soomaali
In ka badan 22,000 oo Itoobiyaan ah ayaa dib loogaso celiyay Sacuudi Carabiya – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 19, 2017 (ENA) – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku dhawaaqday in ilaa hadda, wajiga afraad ee howlgalka dib u soo celinta, in ka badan 22,000 oo Itoobiyaan ah oo ku jiray xaalado adag oo Sacuudi Carabiya ah dib loogu soo celiyay dalkooda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in toddobaadkan oo kaliya, 9 duullimaad oo kala duwan la sameeyay lagu soo qaaday 3,240 Itoobiyaan ah oo ku sugnaa duruufo adag gudaha dalka Sacuudi Carabiya.
Dadka la soo celiyay ayaa kala ah 2,745 rag ah, 479 dumar ah, iyo 16 carruur ah. Sidoo kale waxaa la sheegay in 210 ka mid ah dadkan ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay 18 sano.
Dib u soo celinta wajiga afraad oo bilowday Megaabit 3 2017, ayaa ilaa hadda lagu soo celiyay guud ahaan 22,209 Itoobiyaan.
Wasaaraddu sidoo kale xustay in iyadoo la kaashanaysa hay’adaha ay khusayso iyo hay’adaha iskaashiga la leh, ay siineyso taageero iyo daryeel lagama maarmaan ah dadka soo laabtay marka ay soo gaadheen garoomada diyaaradaha iyo xarumaha kumeel-gaarka ah, iyada oo sidoo kale si firfircoon uga shaqaynaysa dib-ula-midaynta qoysaskooda.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA