Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo la kulmay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska - ENA Af-Soomaali
Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide oo la kulmay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 20/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa wadahadal la yeeshay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Baronees Japmaan.
Labada dhinac ayaa kulankan ku barbar yeeshay Sanduuqa Lacagta Adduunka ee 2025 iyo Kulamada Guga ee Bangiga Adduunka ee lagu qabanayo caasimadda Washingtan.
Wada hadalkooda ay diirada ku saareen iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale ka wada hadlay ballaarinta fursadaha shaqo wadaagga ah ee ku aaddan arrimaha labada dal, gobolka, iyo kuwa caalamiga ah.
Waxa kale oo la sheegay in Axmed Shide uu wasiirka uga warbixiyey isbedellada dhaqaale ee Itoobiya ka socda iyo natiijooyinkooda, caqabadaha caalamiga ah ee horyaalla, xaaladda dhaqaale ee Itoobiya oo wanaagsan, taageerada ay tahay in la iska kaashado si ay isbeddelladani u noqdaan kuwo waxtar leh, iyo taageerada joogtada ah.
Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska, Barones Japmaan, ayaa dhankeeda bogaadisay isbedelada dhaqaalaha gudaha ee laga fulinayo Itoobiya, kuwaas oo jawi wanaagsan u abuuraya ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Waxay sidoo kale tilmaamtay dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii nabad iyo xasillooni loogu soo dabbaali lahaa Geeska Afrika.
Waxa kale ay xaqiijisay in dalkiisu uu xoojin doono taageeradiisa isaga oo u maraya iskaashiga horumarinta caalamiga ah si dib u habaynta dhaqaalaha gudaha ee Itoobiya uu noqdo mid waxtar leh.
Ugu danbayntii, labada dal ayaa ku heshiiyeen in la balaadhiyo iskaashiga laba geesoodka ah, oo aan ku koobnayn iskaashiga horumarinta oo keliya, balse sidoo kale la isku afgarto maalgashiga, ganacsiga iyo maaliyadda.