Mesob (Adeega Hal Goob)

Mesob waa adeeg hal goob oo lagu bixinayo adeegyo kala duwan oo dowladda ah iyadoo la isugu keenayo hal meel (hal daaqad) iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyada dhijitaalka ah ee casriga ah. Qaab dhismeedkiisu waxa uu suurtagelinayaa in muwaadiniintu adeegyada hay’adaha federaalka ee kala duwan ay si fudud oo dhijitaal ah u helaan. Tani waxay meesha ka saaraysaa baahida ay dadku ugu kala aadayaan xafiisyo kala duwan, waxayna yareynaysaa waqtiga iyo shaqada la xiriirta waraaqaha iyo safarada badan.


 

Hadda waxaa si rasmi ah u bilowday mashruuc tijaabo ah oo lagu mideeyay 12 hay’adood oo federaal ah, iyada oo lagu bixinayo 41 adeegyo dadweyne oo kala duwan. Adeegyadan waxay isugu jiraan kuwa la xiriira ruqsado, diiwaangelinta aqoonsiga dhijitaalka ah, iyo kuwo kale oo badan.


 

Guud ahaan, barnaamijkan tijaabada ah waxa uu adeegyada 12-ka hay’adood ee kala ah:

1. Adeegga Aqoonsiga Qaranka

2. Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha

3. Adeegga Xaqiijinta iyo Diiwaangelinta Dukumiintiyada

4. Wasaaradda Dakhliga

5. Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskuxishka Gobalka

6. Wasaaradda Shaqada iyo Xirfadaha

7. Komishinka Maalgashiga Itoobiya

8. Wasaaradda Arrimaha Dibadda

9. Adeegga Imtixaanaadka iyo Qiimaynta Waxbarashada

10. Adeegga Boostada

11. Bangiga Ganacsiga Itoobiya

12. Ethio Telecom


 

Dhammaan hay’adahan waxay adeegyada u bixinayaan si wadajir ah iyagoo kaashanaya tignoolajiyada casriga ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015