Farriinta Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Farriinta Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed (Dr.)

Arrinta aan mudnaanta siinayno waa sidii aan u baabi’in lahayn una sixi lahayn nidaamyada keena cabashada shacabka marka la eego bixinta adeegyada. Mid ka mid ah caddeynta dadaalkaas ayaana ah xarunta cusub ee adeegyada hal-mar laga helo oo maanta aan daah-furnay.
Xaruntan cusub waxa ay leedahay saddex tiir oo muhiim ah. Midka koowaad waa in dhismaha duugoobay iyo midkii burburay loo beddelay dhisme casri ah oo qurux badan oo ku habboon deegaanka shaqada. Midka labaad waa in adeegyada la habeeyo lana isku xiro iyadoo la adeegsanayo software heer qaran ah oo ay sameeyeen xirfadlayaal dhalinyaro ah oo karti iyo sharaf leh. Midka saddexaadna waa in 12 hay’adood ay hoos yimaadeen hal xarun oo ay ka bixiyaan 40 adeeg oo kala duwan, si shacabka waqtigooda u badbaadiyaan una helaan adeeg tayo leh oo wax ku ool ah.
Horumarinta nidaamyada noocan ah waxay xallinaysaa dhibaatooyin badan oo ku saabsan helitaanka adeegyada dadweynaha, waxayna u suuragelinaysaa bulshada in ay helaan adeegyo ballaaran oo si hufan loo bixiyo. Daah-furka maanta wuxuu caddeynayaa tallaabada weyn ee aan horey u qaadnay. Itoobiya, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xaruntan cusub, waxay sii xoojin doontaa oo ballaarin doontaa bixinta adeegyo tayo leh oo ay helaan dhammaan shacabka.