Dhismaha Xarunta Tayada waxa uu door weyn ka ciyaaray sidii alaabaha Itoobiya u heli lahaayeen aqbalaad heer caalami ah – Kasaahun Gofe (Dr.)

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 18/2017 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobalka ee Itoobiya Dr. Kasaahun Gofe ayaa sheegay in dhismaha Xarunta Tayada uu si weyn uga qayb qaadanayo kor u qaadidda aqbalaadda alaabaha Itoobiya ee heer caalami.

Hay’adda Qiimeynta Waafaqsanaanta Itoobiya (ECAE) ayaa sheegtay in Xarunta Tayada loo dhisay si qorshaysan, iyadoo ilaalisay heerka ay doonaysay, isla markaana ay suurto galisay in adeegyo tayo leh la bixiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa la xusuustaa inuu xaruntaas xaflada furitaankeeda sameeyay bishii saddexaad ee sanadkan 2017, si loo siiyo adeeg dadweynaha.


 

Xarunta Tayada waxay ka kooban tahay: Machadka Heerarka Itoobiya, Hay’adda Qiimeynta Waafaqsanaanta Itoobiya, Machadka Cabbirka Itoobiya Adeegga Aqoonsiga Itoobiya, iyo Maamulka Tiknoolajiyada Itoobiya.

Dr. Kasaahun Gofe oo la hadlayey wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in Xarunta Tayada ay leedahay shaybaarro ay adag tahay in laga helo inta badan waddamada Afrika, kuwaas oo suurtogal ka dhigi kara tijaabinta qalabka dhoobada, baytariyada iyo qalabka tamarta qoraxda.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dhismaha xaruntan uu Itoobiya ka dhigay waddanka leh Xarunta Tayada ugu weyn Geeska Afrika.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in habraacyada shaqada ee la sameeyey ay suurtogal ka dhigayaan in la helo aqbalaad caalami ah oo sareysa.


 

Tek’e Birhaane, Agaasimaha Suuq-geynta iyo Isgaadhsiinta ee Hay’adda Qiimeynta Waafaqsanaanta Itoobiya, ayaa dhinaciisa sheegay in hay’addu si toos ah u bixiso adeegyada shaybaarka tijaabinta tayada, shahaado-bixinta tayada, iyo adeegyada kormeerka.

Wuxuu intaas ku daray in dhismaha Xarunta Tayada ay Itoobiya u suurtagelisay inay si joogto ah u kordhiso heerka aqbalaadda alaabteeda.


 

Waxaa kale oo uu sheegay in awoodda tijaabinta alaabaha oo horey dibedda loogu diri jiray hadda gudaha dalka lagu samayn karo.

Ugu dambayntii, isagoo sharxaya faa’iidooyinka Xarunta Tayada, Tek’e wuxuu xusay in isku-darka afarta hay’adood ee adeeg-bixinta ah ay sababtay in la helo adeeg tayo leh oo heerkiisa ilaalinayo.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015