Waxaa magaalada Godey si rasmi ah loogu soo dhaweeyay wafti sare oo ka socda hay'ada UNDP - ENA Af-Soomaali
Waxaa magaalada Godey si rasmi ah loogu soo dhaweeyay wafti sare oo ka socda hay'ada UNDP

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 17/2017 (ENA): Waftigan oo ay hogaaminaysay kuxigeenka wakiilka UNDP ee dhanka barnaamijyada Marwo Jaru ayaa waxaa qaabilay Inj. Muxyadiin Cabdi Madaxa Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ee DDS iyo Masuuliyiin kale ujeeddada booqashadu waxay ahayd kormeerka mashruuca lagu xoojinayo awoodda bulshada ee la qabsiga isbeddelka cimilada, oo qayb ka ah qorshaha qaranka ee CRGE.
Wafdiga ayaa booqday tuulooyinka Baare iyo Dud-cade, halkaas oo ay kula kulmeen bulshada una kuurgaleen saameynta togan ee mashruucu leeyahay, gaar ahaan dib-u-dhiska dhulka, biyaha, iyo waxsoosaarka Deegaanka waxaana halkaas lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka mashruuca.