Magaaladda Jigjiga waxaa ka qabsoomay kulan lagusoo bandhigayey daraasaadka kala iibsiga hantida maguurtada ah ee magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Magaaladda Jigjiga waxaa ka qabsoomay kulan lagusoo bandhigayey daraasaadka kala iibsiga hantida maguurtada ah ee magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 17/2017 (ENA): Kulankan oo ah daahfurka barnaamijka kala iibsiga hantida maguurtadda ayaa ah mid lagu soo jeedinayey laguna wareejinayey daraasaadkan oo ay iska kaashadeen diyaarintiisa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka & Dhismaha DDS, Xafiiska Dakhliga DDS iyo bahwadaagtooda, daraasaadkan ayaana ah mid meesha kasaaraya dakhligii hore ulumi jirey door muhiim ahna ka qaadanaya kor uqaadida Dakhliga.
Madashani ayaa waxaa kasoo qayb gallay Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Madaxweynaha DDS mudane Maxamed Muuse, Madaxa Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, Madaxa Xafiiska Dakhliga DDS, Kuxigeenka Madaxa Xafiiska Cadaaladda DDS, Kuxigeenka MadaxaXafiiska Maaliyadda DDS, maayiradda magaalooyinka JIgjiga iyo Godey, xubno kasocdey waaxda kor uqaadista dakhliga magaalooyinka heer federaal, masuuliyiin kale iyo hogaaminta Maamulka magaalada Jigjiga.
Masuuliyiintii kala duwanayd ee kasoo qaybgalay madashani oo hadalka iska daba qaatey ayaa sheegay in daraasaaskani uu wax weyn ka tari doono kor uqaadida iyo korodhka dakhli ee Deegaanka.
Ugu dambayntii, kulankan ayaana waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey laguna soo bandhigey daraasadan oo laga sameeyey cashuuraha waajibaadka ku ah hantida maguurtadda ah kadib markii lasoo bandhigey waxaa lagu wareejiyey masuuliyiinta Maamulka Magaalada Jigjiga si laga bilaabo maanta loogu shaqeeyo daraasadan.