Itoobiya waxay kaalinta 3aad ka gashay saadaasha koboca dhaqaalaha ee Afrika ee 2025, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF)

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 17/2017 (ENA): Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay liiska saadaasha koboca dhaqaalaha dalalka Afrika ee sanadka 2025, iyadoo Itoobiya ay kaalinta saddexaad ka gashay.

Sida lagu sheegay saadaasha IMF, Itoobiya waxaa la filayaa in ay gaarto heer koboc dhaqaale oo dhan 6.6 boqolkiiba sanadka 2025.


 

Liiskan uu IMF soo saaray wuxuu ka kooban yahay 15 dal oo Afrikaan ah, iyadoo Senegal iyo Rwanda ay kala horeeyaan. Senegal ayaa la filayaa inay gaarto koboc dhan 8.4%, halka Rwanda ay gaari doonto 7.1%.

Itoobiya ayaa kaga dambeysa labadaasi dal iyadoo la saadaaliyey inay gaarto koboc dhan 6.6% sanadka 2025, sida lagu xusay warbixinta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015